Arday Gaadhaysa 17 Oo Saaka Lagu Dilay iskuulkii Aay Dhiganyeen dalka Maraykanka Gobolka Florida

0

Florida: Ardey Hore oo Dilay 17 Qof

 

Ardey hore oo looga eryey iskuulka sababo la xiriira dhaqan xumo ayaa diley 17 qof, halka 16 kalena uu ku dhaawacay dugsi sare oo ku yaalla Florida.

Booliska ayaa Nikolas Cruz ku xirey dibadda iskuulka, kadib markii uu isku dayay in uu goobta ka baxsado.

Madaxa booliska degmada Broward, Scott Israel, ayaa sheegey in Cruz uu ku hubeysnaa AR-15 qoriga loo yaqaano iyo dhowr xirmo oo rasaas ah.

Israel ayaa u sheegey wariyayaasha in uu aad uga murugoonayo sida ardeydii guryahooda ka soo tagey subaxii iyagoo wada boorsooyinkoodii buugta iyo qalmaantoodii ay u dhinteen, kuwo kalena ay sariirta cusbitaalka u jiifaan.