Cajaa,ib, Maxbuus Xukunaa 16sano oo Mataankiisii Ku Bedelay Jeelka

0

Saraakiisha ammaanka ee Peru ayaa dib u soo qabtay nin xabsiga ka baxsaday sanad ka hor isagoo uga tagay xabsiga walaalkiisa oo ay mataanno yihiin.

Alexander Delgado ayaa lagu xukumay 16 sano kaddib markii lagu eedeyay inuu dhac ka geystay xabsi ku yaalla waqooyi Lima.

Waxaa xabsiga ku soo booqday mataankiisa Giancarlo bishii Janaayo, Alexander ayaa walaalkiisa siiyay daroogo, kadibna dharka ka badashay, dharkiisana u galiyay, xabsiga uga tagay.

Waxaa lagu ogaaday arrintan kaddib markii Giancarlo farahiisa la baaray.

13 bilood oo uu dhuumaaleysanaayay ayaa Alexander Delgado lasoo qabtay isniintii isagoo ku sugan magaalo xeebeydka Callao kaddib markii wasaarada arrimaha gudaha ay dul dhigtay lacag abaalmarin ah haddii meel lagu sheego Alexander.

Hadda waxaa la geyn doonaa xabsi oo ammaankiisu aad u sareeyo.

Alexander walaalkiisa Giancarlo oo ah ninkii xabsiga looga tagay ayaa isna la fasaxay isagoo marka hore lagu eedeeyay inuu galay dambi ah wada shaqeyn.

Alexander oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sababta uu u baxsaday ay tahay inuu soo arko hooyadiisa.