Haddii ay tahay shirkad qaranku leeyahay waa iney ahaataa mid leh “Public Institutional Policy” Siyaasad xukumaddeed oo goolaha wasiiraddu og yihiin Strategically,Sharci Yaqaan Barkhad Oo Calaamatu Su,aal Saaray Shirkada Dhawaan Uu Ku Dhawaaqay Wasiiir sacad cali Shire

0

xoghayaha cadaalada xisbiga  mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Xirsi ayaa si kulul uga hadlay shirkada maalgashiga somaliland ee dhawaan la soo  bandhigay.

Xoghaye Barkhad oo qoraal uu kaga hadlayo sharci ahaan go’aanka laga qaadan karo shirkadan iyo dadka ku magacaaban ayaa soo bandhigay qodobo sharci ah.

Qoraalka uu baahiyey xoghaye Barkhad Jaamac Xirsi ayaa u dhignaa sidan:-

“Xarun waxaan ku noolahay danta guud xaraashkeed aan laga xisaabtamin” Maansada Xaruntayda Khadra Halgan

Wuxu yidhi: Way jirtaa oo waxaa la idhaahdaa: “Somaliland Investment Company” waxaana ku diwaangashan Aniga iyo Baashe!

Shirkad magaceeda ay sidataa yahay Magaca Qaranka sidee 2ba qof isugu

diwaan galin karaan?

Shirkadahu sharciyan waxay leeyihiin “Legal Personality” Jiritaan qaanuun Tusaale ahaan, Iney leedahay xeerkeedi oo ay ku xusan yihiin waajibaadkeeda shaqo, cidda leh, xuquuqaheeda, iwm.

Haddii ay tahay shirkad qaranku leeyahay waa iney ahaataa mid leh “Public Institutional Policy” Siyaasad xukumaddeed oo goolaha wasiiraddu og yihiin Strategically na lagu gaadhayo hiigsi iyo hir horumarineed. Sidoo kalena waa iney ahaata mid ka diwaangashan wasaaradda maalgashiga. Waa iney ahaataa mid ay xogteeda hayaan guddi-hoosaadka maalgashiga caalamiga ah ee baarlamaanku isla markaana jiritaankeeda qaanuun laga ansixiyo baarlamaanka.

Intaas midna meesha kama muuqdaan oo wasaaradday qusaysaybaa tidhi ma ogin!

Haddii sharci dalka ka shaqeynayo “Rule of Law” kuwa sidan falay Maxkamad ayaa la saari lahaa sida caalamaka waayo? waxay ku kaceen ficil u eeg khaayimul waddan “Treasons”. Goormay 2ba qof ka Amaano waynaadeen qaran dhan oo 4 malyan oo qofi leeyihiin?