Berbera, Biyo Guure News, Kaalinta Cusub Ee Shidaalka Qoormadoobe Fuel Station oo Xadhiga Laga jaray

0

Sanadihii u Danbeeyay Dhismayaasha Casriga Ah iyo Gancsiga kala Duwan Ee Laga Hirgalinayo Magaalo Xeebeeda Berbera Ayaa Si wayn U Kobcayay,

Waxaana   Iftiimiya Mustaqbal Horumarineed Oo Ku Socda Magaalada Berbera,

Hadaba Saaka Ayaa   Xadhiga Laga jaray Kaalin Shidaal oo Si Casriya Loo Dhisay, QOORMADOOBE FUEL STATION,

Kaalintan Ayaa Bugcadii Laga Dhisay Kusoo Kordhisay Tacmiirad iyo Bilic

, Axmed Siciid Oo ka Mida Masuuliyiinta Kaalintan Shidaal Ee Casriga Ah Ayaana Warbaahinta U Sheegay In Qaybaha Dhismaha Kaalintu ka Kooban Yahay ,Afar Waaxood Oo is Barkan,

1 Qaybta Shidaalaka kala Duwan

2 Qaybta saliido Tayo Leh Oo Baabuurta kala Duwan Loogu Talo galay Mid yar iyo Mid Waynba,

Mr Axmed Oo kamida Masuuliyinta Kaalinta Casriga Ah Ee QOOR MADOOBE FUEL STATION Wuxuu Intaa Ku daray In Kaalintu Yeelan Doonto Super Markit Balaadhan iyo Leebaajo Lagu Maydho Baabuurta Mustaqbalka Dhow,

Waxaanu Intaa Kusii Daray in Aay gacmo Furan Kusoo Dhawaynayaan Darwalada Gaadiidka kala Duwan Una samayn Doonaan Adeeg Aay Ku Qancaan iyo Shidaal Nadiifa oo Standar Kiisu yahay ka Ugu Fiican , Sidoo kalena Wuxuu Ugu Bushaareeyay Gaadiidka In Kaalintu U Furnaan Doonto 24 Saacadoodba,

Kaalintan Ayaa Laga Furay Kasoo Horjeedka Hottel Barwaaqao ee Magaalada Berbera,