Wasiir sacad Oo ka hadlay Goobta uu ka Dhacayo Kulanka Kowaad ee Madaxwynaha Xamar iyo Madxawynaha Somaliland

0

Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay in Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ay ku kulmi doonaan dalka Djibouti.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ay dib u furmayaan wadahadalladii kala dhaxeeyay dawladda Somaliya.

Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu jiro qorshe shir furitaan u ah ambaqaadka wada hadallada labada dhinac, kaas oo ka dhici doono dalka Jabuuti, ayna isku arki doonaan Muuse Biixi iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Wargeyska Geeska Afrika ayaa shalay baahiyay warkan uu xaqiijiyay Wasiir Sacad Cali Shire. “Muddo la muddeeyay weli ma jirto, laakiin labadeena

dhanba waxaan isla garanay in dib loo ambo qaado wada hadalkii, codsiguna wuxuu ka yimid xagga dawladda Somaliya in marka hore loo sameeyo furitaan ay labada madaxweyne Djibouti ka sameeyaan. Furitaankaas marka la sameeyo ayuu wada hadalku bilaabmayaa saaaxad caalami ah ayaanu ka bilaabmayaa, wadanka Switzerland ayaana muujiyay inuu diyaar u yahay waanan soo dhawaynaynaa waxaanan rajaynayaa inay qolada kalena soo dhawaysay.” sidaas ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, waxaanu intaas raaciyay in Turkiga laga wareejiyay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, waxaanu yidhi “Runtii Turkiga gogol uun bay inoo dhigi jireen, iyagu hadalka qeyb kama ahayn, laakiin Turkiga mowqifkoodu runtii wuu cad yahay, dhowr jeerna waa ay yidhaahdeen waa Somaliweyn, marka arrin la isku hayo haddii arrinka ciddi daraf ka tahay dhex dhexaadna kama noqon karto, waxaynu u baahannahay cid dhex dhexaad ah oo aynu ku kalsoonnahay, laakiin waan uga mahadcelineynaa dedaalkii ay sameeyeen”

Wasiirka oo la weydiiyay waxa uu ka ogyahay dhallinyaro reer Somaliland ah oo qayb ka noqday ciidamada dalka Qatar oo ay Qatar qoratay wuxuu yidhi “Waan maqlay waana la socdaa arinkaas, laakiin waxa iga xogogaalsan aniga Wasaaradda Shaqada, dhalinyaradu haddii ay meel shaqo ka helayso inagu u diidi mayno, waxaanu jecel nahay inay dhalinyaradeenu inoo joogaan oo ay halkan ka shaqeeystaan, laakiin haddii ay halkan ka waayeen shaqo, oo ay fursado shaqo meel kale ka helaan u diidimayno inagu.”