Maraykanka Oo xayiraad Kusoo Rogay Sadex Shirkadood Oo Midi Soomaali tahay

0

Dawlada Maraykanka Oo Cunaqabatayn Ku Soo Rogtay Sadex Shirkadood Oo Mid Soomaali Tahay Iyo Waxyaabaha Lagu Xayiray

Dawladda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Shirkadahan iyo dadkan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Philippine iyo Turkey, ayaa lagu eedeeyey inuu xidhiidh ganacsi dhex maray koooxda ISIS iyo Iyaga.

Waaxda lacagaha Mareykanka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar, oo lagu eedeyay inuu dhaqaale iyo agabba ugu deeqay kooxda ISIS ee dalka Philippine.

Waxa sidoo kale cuna-qabateyn lagu soo rogey Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Profesyoneller Elektronik

ee fadhigeedu yahay Turkiga, kaas oo lagu eedeyay in uu qeybo ka mid ah diyaradaha iswada uu u fududeeyay ISIS.

Mareykanka, ayaa sidoo kale xannibaad dhaqaale ku soo rogey, Maxamed Mire Cali Yuusuf, iyo shirkadihiisa Liibaan Trading and Al Mutafaq Commercial Company, sababtoo ah bey yidhaahdeen doorkiisa ku aaddan taageerada ISIS ee Soomaaliya.

 

 

 

Source:-VOA