Xildhibaano ka tirsan guddiga dhaqanka, saxaafadda, ciyaaraha iyo tijnoolajiyadda ee baarlamaanka Britain ayaa ku sugan dalka Maraykanka, halkaas oo ay kulamo la yeelanayaan shirkadaha waaweyn ee Google, Twitter iyo Facebook.

0

Ujeedka ayaa waxa uu yahay in ay wax ka ogaadaan wararka been abuurka ah ee kusoo batay baraha bulshada iyo qalabka internet-ka, gaar ahaan farogalinta la sheegay in Ruushka ay ku samaynayaan doorashooyinka dimoqoraadiga ah ee dalalka reer Galbeedka ka dhaca.

Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May ayaa Ruushka ku eedeysay in ay hub ahaan u isticmaalayaan qalabka warfaafinta, waxaana xitaa la sheegay in ay farogalinayaan doorashooyinka Britain.