Dawladda Ingiriiska ayaa balan qaaday inay Somaliland ku caawinayso 25 Milyan oo dollar, waxaanay shalay ku shubtay sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF (Somaliland Development fund).
Sidaas waxa ku dhawaaqay masuuliyiin ka tirsan dawladda Ingiriiska oo shalay kulan la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanay sheegeen inay shalay ku shubeen sanduuqa SDF lacagtaas. Madaxtooyada Somaliland oo qoraal ka soo saartay kulankaas, ayaa tidhi โWaxa kulankaasi si gaar ah diiradda loogu saaray, sidii Somaliland ay gaar ugu heli lahayd deeqaha ay ka hesho dunida, gaar ahaan Ingiriiska, si ay qayb uga noqdaan gurmadka abaaraha soo cusboonaaday, iyada oo sidoo kale waxa kulankaa lagaga wada hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta deeqaha ay Somaliland ka hesho dalalkaย Denmark, Britain iyo Norwey, waxaanay madaxda dawladda Ingiriiska ee kulankan ka qayb-gashayย ballan qaadeen maanta [shalay] in ay ka Ingiriis ahaanย ย ku shubayaan sanduuqa horumarinta Somalilnad (Somaliland Development Fund) lacag dhanย ย 25-Milyan(shan iyo labaatan milyan) oo dollar.โ
Madaxtooyadu waxay sheegtay in xubnaha dawladda Ingiriiska ka socday uu horkacayay danjiraha Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya David Concar oo ay wehelinayaan Madaxa u fadhiya xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Somaliland, Madaxa Hayโadda Ingiriiska u qaabilsan deeqaha dibadda ee DFID, saraakiil kale oo arrimaha militeriga iyo mucaawimooyinka dibadda u qaabilsan. โSidoo kale.โ ayay madaxtooyadu tidhi โWaxa shirkaasi lagu soo qaaday mashaariicaha kala duwan ee Somaliland ay u soo mariyaan ingiriisku Hayโaddaha Qaramada midoobay, Baanka adduunka iyo kuwa caalamiga ah ee wax lagaga qabto arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo dib-u-habaynta cashuur-ururinta, tababarada ciidamada Booliska iyo dib-u-habaynta garsoorka iyo Maxkamadaha dalka.โ
Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Kulanku waxay kala ahaayeen:-
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed.
Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)
Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Cawaale Ibraahim Shirwac.
Wasiirka Gashaandhigga Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan
Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Aadan Xaaji Cali Axmed.
Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnaayeen
Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. David Concar
Madaxa Hayโadda DFID u qaabilsan Ingiriiska Phil Evans.
Madaxaย ย dawladda ingiriiska u qaabilsan xafiiskeeda Hargeysa, Rosie Tapper.
La-taliye ka socday Hayโdda DFID oo lagu magacaabo Kate Greany iyo saraakiil kale.