,Sidaynu La Socono Wasaarada Macdanta iyo tamarta Somaliland Waxay Heshiis sahaminta Shidalka Ah la Gashay Shirkada BGB Anergy Oo Laga Leeyay dalka Chaina 19 Nov 2016, Kadib Markii Aay dalka ka Baxday Shirakdii Genel Anergy Oo Hore Xukuumada Somaliland Ula gashay Heshiis Ah Baadhista Shidaalka,
Inakstoo Aan Si rasmiya Loo Ogayn Sababta Aay U Joojisay Shaqdii Aay qandaraaska Kusoo Qaadatay hadana Illo Ku Dhow Dhowaa Wasiirkii Hore Waxay Sheegeen In Dhanka Amaanka dartii AAy Uga Laalaabatay Shaqadii Aay Waday, Sababo kala Duwan Oo Dhaliil Ku Ahaa wasiirkii Hore Ee Macdanta iyo tamarta Xuseen Cali Ducaalae, Oo Isku wadi Kari Waayay  Dadkii Ku Dhaqnaa Degaanadii Aay ka Hawlgalaysay Shirkadu oo Isfaham La,aani balaadhani Soo kala Dhex gashay Wasiirka iyo Siyaasadii dawlada ee uu Ku Shaqaynayay,
Hadaba Iminka Wasiirka Cusub  ee  Wasaarada Macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal Waxaa Durba Dul Hoganaya Eedaymo La Mida Kuwii wasiirkii ka Horeeyay Haystay,
Shirkada BGB Anergy Waxaaya Gobolka Saaxil ka Bilaabaysaa sahamin Shidaal Taasi Oo la Filayo In Aay Si Dhaqso Ah U Bilaabanto,
3/ 2/ 2018 Waxaa wasiirka Macdanta iyo tamarta uu Kulan la qaatay Odayaal, Caaqilo iyo Siyaasiyiin Reer Saaxila oo 30 Ku Dhawaa Waxaanay Kawda hadleen In Si wada Jira Looga Hawlgalo sahaminta Shidaalka ,
Sida warka Aanu Helnayna Odayaashani waxay wasiirka ka Codsadeen In uu Dheeli Tiro Masuuliyiinta Shaqadaa ka wada Gobolka Saaxil, Mid kamida Ragii la Kulmay Wasiirka Ayaana U Sheegay HWN in Aay Ka dalbadeen sadex Qodab In Wasiirku Dib U Eego,
Odaygan Oo ka Cudurdaartay In Magaciisa La Sheego Ayaa Yidhi, Waxaanu wasiirka U Sheegnay In Manaiger, Kii Shirkadu Yahay Beeshiisa,+ In Isuduwihii Wasaradu yahay Beeshiisa,+ In Xaruntii Saldhiga U Noqon Lahayd Ee Shirkadu Dooratay Laga Bedelay Halkii Aay Doonaysay Oo Ahayd Burco Kibir Lagana Dhigay Tuulada Beeyo Dhaadheer oo Haybtiisu Degto,+ In Uu Soo wareejiyay Shaqaale 25 Ah oo ka Hawlgalay Bari sahamintii Shidaalka, tasina Aay Qalad tahay,
Odaygan Ayaa Intaa Ku daray In Wasiirku Markii uu hadalkooda Dhegaystay Uu Ku Yidhi Anaga Dib Isugu Noqonayna ee naga war Suga,
Odaygan Aan Jeclayn In Magaciisa la Xuso Ayaa Yidhi waxanu Ku Noqonay 5/2 2016 Lakiin Wax Isbedela kalmaanu Kulmin Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal Waxaanu Noo Sheegay In Shirkadu Qoratay manaiger ka Mamulaya Shaqada, Sidoo kalena Iyadu Dooratay Xarunta Aay ka Dhigaynayso Base ka,
Waxaanu Yidhi Odaygani Reer Saaxil, Waxaanu Ku Noqonayanaa Berbera ,Anagu Marnaba Ka Hor Iman Mayno  Horumarka dalka iyo Amaankaba, Lakiin Wixii Aanu Daw u Leenahay Cidna Kal gaban mayno, Markaanu Berbera Tagnana Si Waadixa Ayaanu Uga Hadli Doonaa Arinkan,