Maamule GURXAN Oo Soo Bandhigay Marxaladihii Horumarineed Ee Kastamka Berbera Ku Talaabsaday Muddadii Uu Madaxda Ka Ahaa.

0

Maamulihii Hore ee Kastamka Berbera Md. Maxamed Cabdi Gurxan ayaa ka waramay dedaalkii uu geliyay kor-u-qaadista dakhliga ee Kastamkaas sannadihii u danbeeyey ee uu madaxda ka ahaa.

Maamule Gurxan War-bixin uu ka jeediyay Xafladii uu xilka ku waeejinayay waxa uu si qoto dheer u qodobeeyey maamulkii, iyo wada shaqeynta shaqaalaha kastanka oo sababay inuu laba jibaaro dakhligii Kastanka ooh al-bawle u ah dakhliga guud ee dalka.

War-bixinta maamulihii hore xilka ku wareejiyay oo qodobaysnayd waxay u dhignayd sidan:“Dakhliga Berbera oo celcelis ahaan 50% ilaa 60% ka noqda Wadarta Miisaniyadda dawladda Dhexe, Wadarta Kastamadana ka noqda ilaa 65%  ilaa70%,  waa laf dhabarta Fulinta Qorshayaasha Dawladda ee dhammaan dhinacyadda Amniga, Waxbarashadda, Caafimaadka, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale iyo guud ahaanba ka dhabeynta fulinta Barnaamihyadda Miisaaniyadda Qaranka.

Koradhka Miisaaniyadda Dawladda dhexe oo ilaa intii aanu xilka hayney lagu qiyaaso 140% halka koradhka mudadaas ee Dakhliga Kastamka Berbera ka yahay 98% ,( koradhka 2% ee kastamka Berbera Miisaan ahaan waxa laga yaabaa in ilaa 13 kastam oo kale dakhligooda uu u dhigmo!). Halkaa waxaynu ka fahmeynaa in 140% kaas, ku dhawaad 100% koradhku ka yimid kastamka Berbera.

Mahad naqa Eebbe ka dib, waxay ku timid Dadaalka Maamulka iyo shaqaalaha oo isku Hal ujeedo iyo habdhaqan Wadashaqeyneed leh. Jihada iyo Qorshe hawleedka  loo marey Hal-ganka waxa sal u ahaa Rukumadan:

  1. Maamulka Shaqadda iyo Shaqaalaha
  2. DejintaQaab-dhismeed Shaqo oo waafaqsan Rabitaanka Danaha Dakhli iyo kobcin dhaqaale,
  3. Qeexitaanka Noocyadda Shaqo ee Qaab-dhismeedka Maamul ee Kastamka
  4. Dejinta Halbeega Qiimeynta shaqada iyo La xisaabtanka Shaqaalaha,
  5. Dejinta HabraacaShaqo  ee kastamka Berbera
  6. Hawl galinta Shaqaalaha ee Goobaha ay ku haboon yihiin
  7. Kormeerka iyo Dabagalka Hanaanka Fulinta Hawsha ee shaqaalaha,
  8. Adeegsiga CCTV camera ee Aaga Shaqadda, maadaama oo ay dekaddu aad u balaadhatey shaqo ahaan,
  9. Warbixin Bileedka ee Qiimeynta Habka Gudashadda Shaqoee shaqaalaha
  10. Toosinta iyo Tilmaamida Shaqaalaha:Helitaanka Warbixinta Qiimeynta bileedka ee shaqaaluhu, waxay sal u tahay Ogaanshaha Baahidda Nooca Tababar ee loo baahan yahay. Tababaradaas oo badanaa noqda kuwo  lagu dul fuliyo Shaqada Dhexdeeda, waxay si weyn wax uga badashaa Xaalada shaqo ee Xilliga Xigga Qiimeyntan. Qodabadda sharciga Kastamadda iyo Habraaca Sharciguba, waa kuwa inta badan si adag ula hadlaya Shaqadda iyo shaqaalahaba, sababtoo ah sag saag ku yimaada shaqadu waa Dhiig bax Qaran!

 

  1.  Maamulka Cashuurta iyo Socodka Badeecadda:

Dakhli soo saarka ka sakow, ilaalinta Ganacsigu waa rukun muhiim u ah Kobaca Dhaqaalaha Dalka iyo Awooda Iibsiga Muwaadinka. Waxanu dadaal dheeraad ah ku muujinay:

  1. In Ganacsiga loo Caddaalad sameeyo, Qiimo goyntiisa cashuurta, Degdegsiimaha iyo Guud ahaan u shaqeyntiisa, waxanu meesha ka saarneydhaqamada ragaadiya tartanka Ganacsiga ee EEXDA, NIN JECLEYSI IYO LAALUUSHKA.
  2. Wacyi galinta Ganacsadaha ee u hogaansiga Sharciga isaga oo raali ka ah( Voluntarycompliance)
  3. Ciqaabta Baalmarka sharciga oo si siman oo aan ka noqosho lahayn loogu dhaqo
  4. Fudeydinta iyo soo ururinta Habka Cashuurta iyo Bixida Badeecada, si looga hor tago Dib u dhac iyo Kharashaad dheeraad ah oo fuula sheyga,
  5. Dhageysiga iyowada tashiga Ganacsadaha wixii Arimo farsamo ah.
  • Wada shaqeynta Maamulada Somaliland Ports Authority (SPA)  iyo DPW Berbera

Labadan Xafiis oo ah  Adeeg bixiyayaasha Ganacsatadda, Hufnaantooda shaqo waxay horseedaa Koradh dakhli , Ku xidhnaanshaha MACMMIILKA iyo soo  jiidashada  macaamiil cusub. Haddaba, waxanu xidhiidh dhaw oo sharci, la yeelanay wada shaqeynta iyo Fudeydinta u adeega Danta Dhinac walba.

Waxanu si joogta ah ugu tilmaannaa Baahidda Qalabka iyo Shaqadda dekada, ee Kordhinta Dekhligu u baahan tahay. Maamulka DPW berbera waxa si dareen sokke ah, mar walba uga jawaabaan Adeeg-bixin kasta oo Macmiilka dekadda iyo dakhligaba wax tareysa. Qorshahan wada shaqeyneed waa mid ka mid ah Kaabayaasha Dakhli kordhinta.

  1. Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha:  Ciidanka oo u qaabilsan Ilaalinta Amniga iyo Cashuurtu, waa kaabayaasha  Kastamka iyo Dekadduba ku tiirsan yihiin. Waxanu  qiimeyn shaqo iyo kormeer adag anaga iyo Maamulkoodu ku sameyney Hannaanka shaqo ee loo igmadey, iyo in ay awood shaqo oo buuxda u yeeshaan wax kasta oo sharci ahaan khalad ama shaki  sharci yeesha.
  2.  Tayeynta Kaabayaasha Shaqadda:
  3. Sharciga Kastamadda iyo Habraaca ka dhasha: Toosinta shaqadda iyo dakhli soo saarka waxa laf dhabar u ah Adkeynta iyo ku dhaqanka sharciga Kastamadda iyo Wixii Habraac ah ee ka dhasha, si taa loo helo waxanu inta badan wakhti galiney Fahamka iyo Daraasadda Shuruucda Kastamadda ,Habraacyadda sharciga iyo Xeerarka caalamiga ah ee Kastamadda iyo kuwa Ururada  Ganacsiga adduunka.
  4. Casriyeynta Systemka Cashuur qabashada iyo socodka Badeecadda: Waa mid ka mid ah Kaabayaasha ugu muhiimsanaa Kordhinta dakhliga, Fudeydinta Adeeg bixinta iyo ilaalinta Shuruucda Cashuuraha . systemkan oo meesha ka saarey khaladaadkii Qiimeynta,Xisaabinta iyo dib udhacyaddii  socodka Ganacsigu, waa mid ka mid ah Hababka Casriga ah ee Kastamddu aduunku isticmaalaan. Waa system ay isku xidhan yihiin systemka shaqo ee DPW Berbera iyo sida hadda socota ka Wakiiladda Gaadiidka Badda.
  5. Wada shaqeynta Hay’adaha dawliga ee  Degmadda iyo Gobolka:  Baanka Berbera, Dawladda Hoose, Wasaaradaha Xanaanaha xoolaha, kaluumeysiga, Ilaalinta Tayadda  Qaranka, Deegaanka, Ganacsiga iyo Keydka Haamaha Qaranku, dhamaan waxay qeyb ka ahaayeen  wada shaqeyn sharci oo sameysay Gacansiin dhinacyadda dakhliyadda iyo waajibaadyadda kale ee kastamdu gudanayaanba.

 

  • Qorshayaasha  Dakhli Kordhinta iyo Adeeg Fudeydinta Ganacsiga  ee Hadda Socdey

 

  1. Habka Ganacsaduhu u Sii cashuuranayo Alaabta oo Maqan( Early Self Declarations)

Iyada oo la adeegsanayo Helitaanka Xogta Badeecadda Sida( Commercial Invoice-ka, Packing liska, Bill of loading  Manifest-ka iwm), waxa sida sharciga Kastamaddu tilmaamayo loo ogolaan doonaa in Ganasatadda shuruudaha loo dajiyo fulisa, loo fasaxo in alaabta ay sii cashuurtaan inta aaney iman Dekadda.

Kastamku wuxuu culeyska shaqadiisa saari doonaa kaliya Hubsiimaha Marka ay baxayso ama laga rarayo Dekadda. Habkan oo aad loo filayo in uu wax ka tari doono Kobaca dhaqaalaha iyo dakhliga dawladaba, waxa qorsheysneyd in bisha March 2018, lagu Bilaabo Ganacsatadda ugu waaweyn.

  1. Habka Ganacsaduhu ula soconayo Halka ay Marayso Shaqadiisu( Customs Job Tracing System):

Nidaamkani waxa uu ganacsadaha isaga oo jooga Goobtiisa ganacsi , Hargeysa, Wajaale iyo meel walba, la socon karaa alaabtiisa  Qiimaha Entrygiisa, in lacagtii  cashuurta la qabtey, in la rarey iyo in ay ka soo baxdey dekadda. Habkan waxa uu  u saamaxayaa  Ganacsaduhu in dhab ahaan arko lacagta kastamku qaadey, iyo Halka kolba shaqadu u mareyso.

  1. Habka Diiwaan Galinta Dalabka Shaqo ee Ganacsadaha( Customs Job Booking System)

Iyada oo maanka lagu hayo, sida ay dekaddu u balaadhatey iyo waliba Filashada in ay sii weynaato, waxanu wadney in Goob Gaar ah loo asteeyo AAGA Cashuuraha iyo SII DEYNTA Badeecadaha. Dhaqan galka Habkan, Ganacsade kastaa waxa Xogta Alaabta uu cashuurayo soo dirayaa FARIIN  isaga oo adeegsanaya Mobile-kiisa Gacanta amaba Systemka loogu xidhayo Xafiiskiisa, Xogta Alaabta uu soo direy ayaa Dekaddu sida ugu dhakhsaha badan u geynaysaa AAGII CASHUURAHA oo Saraakiisha Kastamku joogaan. Aagan oo u sii kala xidhnaan doona AAGA  GANACSATADDA WAAWEYN, AAGa Ganacsatadda kale, waxa laqaban doonaa Adeeg tirro iyo tayyo ahaan aad uga badan ka hadda aynu qabano,

Ugu danbeyn, Jidka dheer ee Halganka iyo hagaajinta Hannaanka Dakhli Qabashadu, waa mid ku saleysan Qorshayaasha Dakhli, Dhaqaale ee Siyaasadda Xukuumadihii Xisbiga Kulmiye,