Xeebta Bada Dalka Morocco Ayaa Lagasoo Ururiyay Mayadad Dul sabaynaya,

0

Meydadka ugu yaraan 20 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray badda xeebaha Melilla oo ah dhul yar oo ku yaalla Spain balse ku dhaw dalka dariska la ah Moroko.

Kooxaha samtabixinta ee waddanka Moroko ayaa soo saaray meydadka kaddib markii shaqaalaha rakaabkii saarnaa doonta ay ku daateen badda.

Dadka dhintay ayaa la rumeysan yahay inay ahaayeen muhaajiriin kasoo jeeda dalalka ku yaalla saxaraha Afrika.

Waxaa loo maleynayaa dadkaan inay rajeynayeen inay gaaraan dalalka Yurub iyaga oo doonayay inay ku xirtaan xeebta Melilla, inkasta oo digniino ah inay dhicikaraan dabeylo xooggan ay ku wargaliyeen maamulka gobolka.

Gobolkaan Melilla, ayaa ah goobta ugu weyn ee muhaajiriinta shaqa doonka ah ama magangalya doonka ay uga gudbaan dalalka Yurub.

Melila iyo deegaanka kale ee Ceuta ayaa ah dhulka keliya ee xadka la leh Afrika oo ku yaalla Spain, halkaasi oo muhaajiriintu ay uga gubdaan Yurub.

Wargeys kasoo baxa dalka Spain ayaa qoray in meydadka muhaajiriintaan laga helay iyaga oo dul sabeynaya xeebta Melilla.

Tirada rasmiga ah ee meydadka ayaanan wali si dhab ah loo xaqiijin.

Kooxaha samatabixinta ee dalka Spain ayaa iyaguna dib u bilaabay howlaha lagu baadigoobayo meydadka dheeraad ah subaxnimadii Axada.

Ilaa iyo sanadkaan 2018, dalka Spain waxa uu ahaa halka ugu muhiimsan ee ay kasoo galaaan qaxootiga dhaqaala doonka ah ee soo gaaraya Yurub.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in qaxooti aad u tira badan oo soo gaaray Spain ay usii gudbeen dalka Talyaaniga.

Tirada qaxootiga ee meydadkooda lasoo helay toddobaadkaan markii laga soo tago, muhaajiriin kale oo gaaraya 243 ayaa dhintay ama lawaayay sanadkaan kaddib markii ay isku dayeen inay uga gudbaan badda Mediterranean-ka dalalka Yurub.