Dawlada Britain Ayaa Dabagal Adag Ku Samaynaysa Maalqabeenada Wadankaa Ku Nool, Waa Maxayse Sababtu

0

Hantiilayaasha shisheeye ee ku nool waddanka Britain ee looga shaki qabo inay ku kacaan falal musuqmaasuq ah ayaa lagu qasbi doonaa inay sharaxaad ka bixiyaan sida ay ku heleen hantidooda kuna noqdeen taajiriin, tani oo ka mid ah olalaha xukuumadda ay uga hortageyso dambiyada abaabulan.

 

Tallaabooyin cusub ayaa loo fasixi doonaa inay qaadan saraakiisha dowladda si ay u xayiraan hantida haddii aysan milkiilayaashu sharaxaad ka bixin sida ay ku heleen.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa rumeysan in boqol iyo labaatan bilyan oo doolar oo lacago sharci darro ah sanad walba lasoo marsiiyo dalka Britain.

Wasiirka ammniga ee Britain Ben Wallace, ayaa sheegay in maalqabeenada u dhashay Ruushka iyo siyaasiyiinta musuqmaasuqa ku kaca ay sida ugu dhaqsiyaha badan u wajihi doonaan awoodda sharciyadda dowladda.

Sharciyaddii hore ee Britain ayaa siinayay dowladda Britain awood kooban oo ay tallaabo uga qaadaan hantiilayaasha laga shakiyo, marka laga reebo kuwa laga soo dacweeyo dalalkooda.