Madaxwaynaha Dalka Uganda Yoweri Moseveni Ayaa Taageeray Madaxwayne Trump Hadalkiisii Uu Ku Caayay Africa

0

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musavani ayaa sheegay in uu jecelyahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, sababtuna tahay maadaamaa uu yahay nin saraaxo badan, islamarkaasna runta u sheega Afrikaanka.

Musavani oo hadal ka jeediyay kalfadhi baarlamaanka Bariga Afrika uu ku lahaa Uganda ayaa yiri “Amerika waxa ay heshey madaxweynihii ugu wanaagsanaa ebed, waan jeclahay Trump sababtoo Afrikaanka runta ayuu u sheegaa. Afrikaanka waa in ay dhibaatooyinkooda iyaga xalistaan”

Madaxweyne Tump ayaa lagu eedeeyay in dalalka Afrika uu ku tilmaamay ‘gudaafat’, islamarkaasna aysan habboonayn dad ka socda in ay tagaan Maraykanka.

Balse Trump waa uu beeniyay in uu isticmaalay erey bixin nacayb ah.

Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa dhaleeceeyay hadalada

Trump.

Ammaanta Musavani ayaa imanaysa xili safiirka Maraykanka u fadhiya Uganda uu cambaareeyay madaxweyne Trump iyo hadalkii uu ugu gefay dadka Afrikaanka ah.

“Haddaladiisa waa kuwa nasiib darro ah, lagana xumaado” ayay tiri Deborah Malac.

 

Source: BBC Somali