“Xukuumadaydu Way Dhamaystirantahay Oo Wasiiradu Way Dhanyihiin, Waxa Kale Waa Shaqaale, Shaqaalahana Qofkii Shaqadiisa Haya In La Badalo Ma Noqonayso”

0

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa bixiyay bidhaan muujinaysa suurtogalnimada in dawladda Djibouti gacanta ku qabato wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya isagoo madaxweynaha Somaliland sheegay in Djibouti tahay cidda ugu dhow ee fahmi karta arrimaha ay isku hayaan Somaliland iyo Somaliya.

Madaxweyne Biixi oo waraysi gaar ah uu la yeeshay wakiilka idaacadda VOA ee Somaliland weriye Barkhad Maxamuud Kaariye, waxa kale oo uu ka jawaabay madaxweynuhu doodda ah inaanu weli dhammaystirin xukuumadiisa. Waraysiga ayaa u dhacay sidan:

Dadka qaar baa markii aad magacowday golahaaga wasiirada dareen celinta ay soo celiyeen waxay noqotay in wasiirada qaar aanay goobaha aad u magacowday aqoonteeda lahayn. Sidaad qofka isula meel dhigtay aqoontiisa iyo waxa uu qabanaayo?

Waxay ila tahay wasaaradaha waxii farsamo ama wax soo saar ah waxa loo dooraa waxii shaqadooda yaqaan, waxii hoggaamin ama maamul iyo siyaasad ahna waxa qaban kara qof kasta oo fanka hoggaaminta ma siyaasada leh oo u baahan waayo aragnimo, aqoon,u dhalsho, cadaalada oo kale waxa inoo haya maxkamada sare iyo xeer ilaaliyaha guud oo aqoonta gaar ahaaneed leh, cadaaladu waa meel maamul iyo hoggaamineed, markaas haddaad u jeedo maad siin nin garyaqaan ah, wasaarada cadaaladuba maamul ayay qabataa laakiin aqoonta loo baahan yahay waxa fuliya maxkamada sare iyo xeer ilaalinta, markaas waxay ila tahay waa uu ku haboon tahay ciddii loo magacaabay.

Wali dadka qaar waxay u dheg taagayaan magacaabista xukuumadaada oo wali dhamays tirnayn, ma laga yaabaa boqolka maalmood inay dhammaadaan adiga oo aan wali soo dhammays tirin?

Xukuumadaydu waa ay dhamaystiran tahay oo golahii wasiiradu waa ay dhan yihiin, waxa kale waa shaqaale, shaqaalahana qofkii shaqadiisa haya in la badalo ma noqonayso, haddii meel banaanaato ama qof shaqada qaban waayay ayuun baa la badalayaa, agaasimayaashu waa shaqaale, ambaasatooradu waa la mid markaas waxay u baahantahay in la darso oo ciddii xilka haysa ee shaqaysan wayday uun la badalo, markaas rayigaas kuguma raacsani xukuumadii may dhamaystirmin, xukuumadii laba maalmood gudahood ayaan ku dhamaystirnay, waana la ansixiyay oo baarlamaankii waanu ka dhammaanay.

Dad badan ayaa is waydiinaaya madaxweyne Muuse Biixi Cabdi muxuu ku kala doortay Jabuuti iyo Itoobiya, dalka aad ku horaysaana luuqada diblamaasiyada macno gaar ah ayuu ku sameeyaa , maxaad ku kala door biday?

Labda dalba wanaag iyo jaarnimo aya anaga dhaxaysa oo waa ay noo siman yihiin manaanan kala dooran, waa sida ay martiqaadku u kala hor yimid, wax laga baadh-baadho anigu ma arkaayo, sida aanu u kala hornimina waa siday waraaquu u kala hor yimaadeen oo laba cisho oo isku xiga ayay waraaqahoodu yimaadeen sidii uun baanu ugu duulnay, labadaba waanu is qadarinaynaa oo jaarnimo wanaagsan ayaa naga dhaxaysa, waanan sii xoojinaynaa labadaba waxa naga dhaxeeya.

Marka siyaasada arimo dibadeed la yidhaahdo Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka ugu horeeyay siyaasada Somaliya ee raadka ku leh, Somaliland-na waxa ugu weyn ee ay u socotaa waa aqoonsi arintaas ma isla soo qaadeen madaxweynaha Jabuuti?

Haa,Somaliland markay Jabuuti afgaran waydo oo afsoomaali ku hadasha oo Soomaali ah, oo laga qabo cuqdada ah Jabuuti waxba inooma ogola, anigu garan maayo cidaan afsoomaali ku hadlayn sidaynu isku afgaranayno,hadday ciddi garteena qaadayso kaas afkeena garanaaya ayaa qaadaya, madaxweynaha Jabuuti arimaha Soomaalida ciddi ugama xogogaalsana, haddii uu inoo badheedhayo oo waxa aynu doonayno uu diidan yahay badheedh ayuu inoo odhan karaa waad qaldantihiin ka jooga, haddii uu gar u arkana waa uu odhan karaa, dhibtuna waa inaga nimanka ay Xamar ay leedahay waanu idin xukunaa ee aynu taaganay nama xukuntaan, inagu waxa aynu u baahanay in aynu garteena si fiican u sheegano, cid aynu garteena u sheegnana Jabuutibaa u dhib yar oo afsoomaali ayaad kaga dhargaysaa lagaaga turjumi maayo ku odhan maayo waxaasi maxay ahayd intaba waa uu ogyahay markaas meel uu inagaga hor yimi oo uu inagula dagaalamayna garan mayno,waa inaan isaga u gardhiganaa oo aan nidhaahnaa waxaas iyo waxaas ayaa jira ee wax ka qabo marka uu gardaro kuugu badheedho ka cabo oo waxaad tidhaahdaa maxaad iiga gar darnaanaysaa, wali isaga oo ina maagaya maynaan maqlin intaas qaar inaga inaga mid ah ayaa maaga gaar ahaan madaxweynaha iyo dawladiisa jaraa’idkeenu Jabuuti waxay doonaanbay ka qoraan sax maaha, ta kale marka aad gar leedahay ee aad nin la garamayso tayda igu raac haduu kugu diido oo uu ku yidhaahdo halkaas mari kari maayo miyaynu ku gacan saaraynaa mabaynaan gaadhin halkaas, noo gar qaad waxba inaguma diidin, mar ayay xukuumada Muqdisho iyo Somaliland ay tageen markiina meel dhexe ayuu istaagay oo dhagaystay, markaas rayiga odhanaaya waa inala col iyo inama ogola iyo midbaa ina ogol anigu ma arko, waxay ku xidhan tahay sidaad dacwadaada u xidhato, inaan cid eedayno  iyo inaynu cid caashaqno toona maaha.

Maxaad ku kala timaadeen?

Wanaag iyo gartayada adigaa u oday ah oo u jaar ah ee caalamka IGAD ka bilow,Afrika gee,waxaanu qalad leenahay noo sheeg.

Safarkaagii xigay Itoobiya ayaa tagtay?

Isku mid intaas in leeg ayaan la hortagay.