Gudoomiyaha Xisbi Siyaasadeedka Gurmad Ee Maamul Golaeedka Butland Ayaa Ku Baaqay In Butland Aqoonsato Xadkii Ingiriisku Dhigay,

0

Guddoomiyaha xisbi siyaasadeedka Gurmad oo ah xisbi siyaasadeed ka diwaan-gashan maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland,   Maxamed Xaaji Aadan  oo doorashadii madaxtooyada ee Soomaaliya-na  u tartamay madaxweyne, ayaa ku baaqay in Puntland iyo Soomaaliya inay  faraha kala baxaan guud ahaan dhulka Somaliland oo ay aqoonsadaan xuduudaha Somaliland.

Waxaan caddaynayaa in dagaalka Tukaraq aanu ahayn dagaal Somaliland iyo Puntland u dhexeeya illaa burburkii Somaliland deris ayaanu ahayn annaguna maanu weerarin, iyaguna namay soo weerarin waxa jirtay Khaatumo markii hore Somaliland ayay wax la dhisatay,waagii dambena Puntland  bay wax ka dhistay,  markii dambena maamul saddexaad  oo  u gaar ah oo Khaatumo la yidhaahdo ayay dhisateen, Si kasta  ha ahaatee Khaatumo hadday raacday Somaliland

oo madaxweynaheedii la heshiiyay annagu waxaanu qabnaa in aanay jirin sabab aanu annagu ula dirirno ama dagaal ugu qaadno Somaliland,”ayuu yidhi Maxamed  Xaaji Aadan oo Garoowe kula hadlay warbaahintu.

Waxa kaloo uu naqdiyay xubnaha beelaha dhulbahante ee ku jira maamul-goboleedka Puntland, waxaanu yidhi “Wax badan baa is beddelay xataa nimanka Garoowe jooga ee ka soo jeeda beesha Khaatumo la baxday xadkii Ingiriiska ayay aaminsan yihiin Khaatumana waxay aaminsan tahay xadkii Ingiriiska waxaanay ku biirtay Somaliland.”

Siyaasigani waxa uu xusay inaanay Puntland  ay ku ekaato xadkeedii, waxaanu yidhi; “Somaliland waxay aaminsan tahay xadkii Ingiriiska markaa hadday Khaatumona raacsan yihiin xadkii Ingiriiska waxa wanaagsan in aan kala nabadgalno. annagu xadkooda geli mayno kaayagana waanu difaacan karnaa. markii hore qabiil ayay iska hayd laakiin hadda waa laga baxay halkan(Garoowe) Puntand baa ka dhisan halkaasna  Somaliland baa ka dhisan Khaatumadii dhexda laga dhisayna Somaliland ayay tagtay.”

“Puntland Somaliland dhul kuma haysato, Somalilandna dhul naguma haysato. markaa waxaan odhan lahaa ama hala ictiraafo ama yaan la ictiraafine Somaliland dhulkeeda aan u dayno oo xadkeeda haloo daayo waana sida ay arrintu imanayso marka dambe sidanna kuma jiri karayso,Dhulbahante(Khaatumo) oo aanu tolnimo isugu nimid oo aanu wax wadaagno waxay wadaan dagaal ay Garoowe ku soo weerarayaan,”ayuu yidhi siyaasigaasi.