Muxuu Daaran Yahay Mooshinka Xubnaha Baarlamaanku Ku Beegsadeen Mayorada Tunka Wawayn Leh

0

Mooshinka Xubno Kamida Baarlamaanka Somaliland Soo Qadimeen Ee Ku wajahan Maayorada Magaalooyinka Waawayn Ee Somaliland Ayaa Xiligan U Muuqda Mid Xogo Badani Ku Duugan Yihiin Oo Looga Faa,iidaysanayo Xukuumada Cusub Ee wadanka Somaliland Hogaanka U Qabatay Oo U Ooman In Dawladaha Hoosana isbedel Ka Dhacao,

Xubnaha Baarlamaanka Somaliland Ayaa La Doortay 18,Oktober 2005, Waxaana Aay Kuraasta fadhiyaan 12 sanadood, Waxaanay Aahyd in 2010 kii La qabto Doorasho Baarlamaan Laakiin May Suura Galin Sababtoo ah Waxaa Si Dhow Uwada Shaqaynayay Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Soamliland Cabdiraxamaan Cirro iyo Xukuumadii Hore Ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Siyaasad Wada Shaqayn Ahi Ka Dhaxaysay Mid

walibana Illaalin Jiray Ka kale danaihiisa,

Hadaba waqtigan Waxaa Soo Baxay Jaanis Xubnaha Barlamaanka

Somaliland Ka Faa,iidaysanayaan oo Intooda Badan U Ciil qabaan Mayorada Magaalooyinka waawayn , Laga Soo Bilabo Gabilay Illaa Ceerigaabao , Waxaana La Tuhunsanyahay In Aay Ku Rux Ruxanayan Mayorada Tunka Waawayn Ee Hargaysa, Berbera iyo Burco,

Ujeedadooduna Aay Tahay In Aay Ka Hellaan Waxyaabaha kaga Xidhan Ee Dhulku Ugu Muhiimsan Yahay,

Xubnahan Baarlamaanka ee Mooshinkan Keenay In La Dhimo Tirada Xubnaha Golaha Degaanka Ee Ridi Kara Mayorka Ayaa Ku Doodaya In Mayoraadu Yeesheen Awood Ka Badan Intii Sharcigu Siinayay ,Sameeyeena Ku takri fal Maamul,

Waxaa kale Oo Aay Ku Eedeeyeen In Aay Kala Dhowaysteen Xildhibaanada Golaha Degaanka Oo Qaarkoodna Jeebada Aay Ku Shubteen Qaaarkoodna Debada Aay Dhigeen,

Sidaynu Ognahay Mayorada Magaalooyinka waawayn Ee Somaliland Ayaa Intooda Badan waxaa Ridi Kara 14 Xildhibaan Oo Codka kala Noqda ,

Waanay Adkayd In Xildhibaanada Goalha Degaanku Isku Urursadaan Tiro Intaa Leeg, Laakiin Iminka waxaa U Fududaan Doonta Xubnaha Golayaasha Degaanka Hadii Mooshinkani Hirgalo In Aay Kii Aay Afgaran waayaanba Ridaan,

Taasina Aay Sababto In Doorashada iyo Xil ka Qaadista Mayoradu Badato oo Kii La Doortaaba wadan Kari Waayo Shaqada Loo Igmaday,

 

La Arki Doonee halka Uu Biyo Dhigto Mooshinkan Qadhaadh Ee  Aay  Soo Labiseen Xubnaha Ugu Fir Fircoon Baarlamanka Somaliland

Warriye Yassin Jama Ali

Hadhwanaag Office Berbera