Wasiirka Maaliyada Somaliland oo Kala Diray Kooxdii ,Kubada Cagta ee Ki Ciyaari Jirtay Magaca wasaradisa,Maxayse sababtu tahay

0

-Wasiirka cusub ee wasaarada horu marinta maaliyada somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa go’aan ku gaadhay inuu kala diro kooxda kubada cagta ee ku ciyaarta magaca wasaaradaasi.

Kooxda ku ciyaarta magaca wasaarada horu marinta maaliyada oo ka mid ahayd kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan caasimada Hargeysa ayuu wasiirku sheegay inaanay ku sii ciyaari doonin magaca wasaaradaasi isla markaana aanay ka sii qaadan doonin gunadii la siin jiray ciyaartoyga oo aan si rasmi ah ugu jirin shaqaalaha dawlada.

Sida Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen xubno ka ag xidhiidhka kubada cagta somaliland, wasiirka maaliyada ayaa sheegay inuu go’aankan gaadhay isla markaana aanu diyaar u

ahayn inuu ka noqdo.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay in masuuliyiin ka tirsan xidhiidhka kubada cagta somaliland ay wasiirka maaliyada ugu tageen xafiiskiisa, kuwaas oo wax ka waydiiyey go’aankan uu gaadhay ee laf jabka ku ah ciyaaraha dalka, waxaanay wasiirka kala soo noqdeen hungo, isaga oo ku war geliyey inaanu ka noqonayn go’aankaas uu gaadhay.