“Laascaanood Iyo Garoowe Mid Ayuunbaa Laga Qaxi Doonaa Haddii La Sii…”Wasiir Saleebaan Cali Koore

0

-Xukuumada somaliland ayaa si adag uga hadashay qorshayaal nabada ka soo horjeeda oo ay sheegtay in dawlada soomaaliya ka wado bariga dalka.Wasiirka biyaha somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa soo bandhigay sababaha dawlada soomaaliya ku kalifaya dhaq dhaqaaqyada ay ka wado xadka ay la wadaagto somaliland waxaanu yidhi “Waxa muuqata in maamulka soomaaliya ay dhib ka wadaan deegaanada iyo xuduudaha iyo dhulka somaliland ee sida kalsoonida ah codka loogaga doortay madaxweynaha, aniga oo joogay goob kasta iyo meel kasta, arimahaasna waxaan is leeyahay waxa loo  samaynayaa  sidii loogu xalin lahaa khilaaf siyaasi ah oo dhexdooda ka taagan ,ha ahaado mid xamar ka socda iyo mid Garoowe ka socota oo la rabo in lagu jaah wareeriyo dadka iyo in lagu rabo  soo noqosho madaxeed iyo mudo korodhsi .”

Wasiir Koore ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqyada qabyaaladaysan ee ka socda xuduuda bari ee somaliland waxaanu yidhi “Ciidamada iyo waxa ka socda iyo reer hebelka ka socda iyo gobolada qabiilada lagaga sheekaynayo wax reer hebel la yidhaahdaa ma jiro oo anaga ayaa ah, kuwa madaxweynaha la doortay ee somaliland uga codaynayey Taleex, Xalin Iyo Kacayo reer hebel idinlama wadaagaan.”

Wasiir Koore ayaa sidoo kale sheegay in qaranka somaliland ku filan yahay difaaciisa iyo sugida xuduuda waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay qarankani wuu isku filan yahay inuu is difaaco oo xuduudihiisa gaadho, cidna duulaan kuma aha, mana rabno in cid soomaaliya ah aanu dhibno ama dhibaato loo gaysto.”

Wasiir Saleebaan Cali Koore oo si toos ah ula hadlaya shacabka Garoowe ayaa waxa uu yidhi “Reer Garoowe ayaan la hadlayaa ee kama  hadlayo Boosaaso iyo Gaalkacayo waxaan leeyahay laba ayey taagan tahay anaga oo aan dhib wadin waxaanay tahay Laascaanood iyo Garoowe mid ayuunbaa qaxaya haddii aad sii wadaan dagaalka,  Ciidankuna  barta uu joogo waa dhulkiisii somaliland ee uu deganaa ee uu dagi doono ee uu joogi doono ee uu waajibaadkiisa qaran ka qabsan doono.”