Somaliland Waa In Aynu Samaysano Fure Inoo Gaara, kana Guurno Godka 252 Ee Soomaaliya Inaga Dhexeeyay, Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland

0

Wasiirka cusub ee wasaarada  isgaadhsiinta iyo Technology-yada somaliland Dr. Cabdi Wali Sheekh Cabdilaahi Suufi  ayaa soo bandhigay qodobo muhiim u ah isgaadhsiinta dalka oo uu hir gelin doono.

Wasiir Cabdi Wali oo maanta khudbad ka hor jeediyey golaha wakiilada oo ansixiyey wasiirnimadiisa ayaa sheegay inuu dalka u samayn doono fure u gaar ah.

Wasiir Cabdi Wali oo ka hadlaya qodobada uu ka hir gelin doono wasaarada ayaa waxa uu yidhi “Wasaaradaydu waxay u  qaabilsan tahay qaranka inay maamusho waaxda isgaadhsiinta iyo Technology-yada, haddii ay golaha wakiiladu ansixiyeen wasiirnimidayda waxaan doonayaa inay wasaaradu wadanka u hesho furo wadan inaga oo ka baxayna lambarka 252

ee aynu hada sii marno, waxa kale oo aan ka shaqayn doonaa inaynu helno Postal Cord iyo Simcord oo ah lambarka ay aduunku ku xidhiidhaan dhinaca boosaha, waxa kale oo aan dardar gelin doonaa wasaarada iyada oo ciyaari doonta doorkeedii ahaa inay kor joogto shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka.