Madaxweyne Muuse Biixi Oo Safarkiisii Ugu Horeeyey Ugu Baxay Dalka Jabuuti Iyo Masuuliyiinta Ku Wehelinaysa+Sawiro

0

-Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa safarkiisii ugu horeeyey ugu baxay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaan  warbaahinta wax faah faahin ah ka siinin safarka uu ugu baxay dalka Jabuuti, balse war ka soo baxay madaxtooyaa somaliland ayaa lagu sheegay in safarka madaxweynuhu uu qaadan doono dhawr maalmood.

Sidoo kale madaxtooyada somaliland ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu martiqaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Jabuuti, kaas oo ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal iyo xidhiidhka ay wadaagaan.

Madaxweynaha Waxa Safarka ku wehelinaayey :

1.      Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire

2.      Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska, Md. Yaasiin X Maxamuud Xiir (Faratoon)

3.      Wasiirka Caddaalada, Md. Cabdiqani Maxamuud Cateeye

4.      Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Imaan

5.      Taliyaha Ciidanka Badda Somaliland, Sareeyo guuto  Cabdi Xirsi Ducaale