Hogaaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un Oo Si Adag Ugu hanjabay Maraykanka

0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, ayaa sheegey in Mareykanka ay tahay in uu aqoonsado in barnaamijka Nugliyerka ee dalkaasi uu yahay mid dhab ah.

Hadalkiisa sanadlaha ah ee uu jeediyay Isniintii, ayuu Kim ku hanjabay in badhanka Nugliyerka dalkiisa uu ku heysto xafiiskiisa. Waxa uu sheegey in dhammaan dhulka beriga ah ee Mareykanka ay ku jiraan shiishka Nugliyerkooda.

Waxana uu yiri “Mareykanku waligooodna ma billaabi karaan dagaal aniga iyo dalkeenna ka dhan ah.”

Waxa uu Kim Jong Un sheegey in dalkiisa uu u babbac dhigi karo han-jabaad kaste oo Nugliyer ah oo kaga timaadda Mareykanka. Waxana uu sheegey in ay heystaan ka hortag Nugliyer oo xooggan kaas oo awood u leh in uu ka hor tago Mareykanka inay ku ciyaaraan dab.