Shirweynihii 6aad Ururka Saxaafadda Ee SOLJA Oo La Afduubay Iyo Casaabad gacan Ku Rimis Ah oo Loo Dhiibbay Hoggaankii SOLJA

0


khilaaf weyn ayaa ka dhashay Somaliland ee SOLJA ka dib markii xulufo gaar ah loo afduubay shirweynihii ururka iyadoona kaadhahkii shirweynaha lagu galayey shirweynihii ururka Saxaafadda badankoodii loo diiday, waxaanna dhuumasho dhabarku muuqdo loogu gacan togaaleeyey xubno gacan ku rimis ah oo xulufo la ahaa casaabad weyd ka dhigtay ururkii saxaafadda Somaliland solja. Waxaana doorasho mad-madow badani hadheeyey lagu doortay hogaan dhicis ah oo shirgudoonkii garsooraha ahaa u kala xagliyey. Doorashadan oo badi xirfadlayaasha saxaafadu dibad joog ka ahaayeen ayaa loogu mushxaradey koox la dhabar taabtay oo munad ahaan loogu qurxiyey madasha. Waxaana xabaalaha mako dur-duro lagu soo aasay dimuqraadiyadiii laga filayey doorashada saxaafadda Somaliland Walina waxaa kala fadhiya oo garabyou kala jabay saxaafadii Somaliland.

Wariyeyaashii ka kala yimid gobollada qaarkood iyo Wariyeyaashii Hargeysa ka hawl-galaayey ayaa badankoodu dibad joog ka ahaaa shirweynahan, inkastoo shan qof oo ka mid ah Suxufiyiintii qaadacday loo ogolaaday inay gudaha shirweynaha soo galaan,kuwaas oo markii dambe ka biyo diiday hanaanka loo waddo doorashada. iyagoona madasha shirka ka dhex sheegay in aan shirweynahan loo dhammayn oo wariyeyaashii dibadda taagan yihiin.

Suxufiyiintii dibad jooga ahayd oo Warbaahinta la hadashay, waxaannay sheegeen in Shirweynahan koox gaar ahi soo abaabulatay,islamarkaana aan cid han leh oo badbaado u ah ururka loo ogolayn.

“Shirkan Saxaafaddu maaha kii saxaafadda ee waxa qabsaday xubno gaar ah oo iyagu doonaysa in aanay waligood xilalka ay hayaan ka degin, wixii shirkaasi ka soo baxa ma aqoonsani, waxaana madaxweynaha iyo cidii ay wada shaqeeyaanba u sheegaynaa in aanay shirkaasi ahayn kii wariyeyaasha”ayuu yidhi Aadan Ciidle.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Hodan Isaaq oo ka mid ah hablaha dhaliilshan qaabka shirka loo waddo, waxaanay sheegtay in Xubnihii hablaha uga qayb-gali lahaa guddida fulinta kooto laga dhigay,isla markaana la diiday in si xor ah habluhu ugu tartamaan Xilalka sarsare.

“Haddii aanu nahay hablaha warbaahinta ku jira ma ogolin in kooto laga dhigo, waxay ahayd in habluhu ku tartamaan oo qofkii xil doonaya u tartamo, laakiin hadda sidan wax loo wadda si na qancinaysa maaha”ayey tidhi Hodan Isaaq.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan suxufiyiinta ka hawlgala Somaliland waxay si weyn uga soo horjeesteen shirkan, waxaanay qaarkood ku dhowaaqeen inay ururo kale samaysanayaan.

Sourc:- SAHAN