Taliska Ciidamada Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Heegan La Galiyey Ciidamada Amaanka Iyo Natiijada Hawl Galo Ay Fuliyeen

0

Ciidamada booliska somaliland ayaa la galiyey heegan buuxa oo ay kor ugu qaadayaan amaanka guud ahaan wadanka.

Sidoo kale ciidamada amaanka magaalooyinka waa weyn ka fulinaya hawl gal ka dhan ah tuugta, dhalinyarada kooxaha isku laaya iyo kuwa la baxay timaha ee foodaha dhaadheer samaysta.

Taliyaha guud ee ciidamada booliska somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta la hadlay ayaa ka war bixiyey hawl galada ay ciidamadu fulinayaan waxaanu yidhi “Waxa jira kooxo dhalinyaro ah oo caadaystay inay waxyeeleeyeen nabad galyada iyaga oo koox koox isku dilaya ama baadhanaya oo nabaro gaadhsiinaya dadka  ama gaadiidka xadaya, ciidanka boolisku isaga oo mar walba

wadada sharciga u maraya waxa uu galayaa hawl gal balaadhan oo ku wajahan kooxahaas dhalinyarada haday tahay caasimada iyo gobolada dalka meelaha ay ka jiraan, tuugada, mukhaadaraadka iyo wax kasta oo nabad galyada wax u dhimaya.”

Taliye Fadal oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray shacabka waxaanu yidhi “Waxaan u sheegaynaa shacabka somaliland una balan qaadaynaa in dhalinyaradaas oo lagu tilmaami karo inay bahaloobeen ay waajibkooda qaran ka gudan doonaan ciidanka boolisku, inan yar oo aan soo hoyanayn oo maalin iyo habeen diyaar u ah inuu wax boobo, wax dhaco inuu wax eryado diyaar u ah. Looma dul qaadanayo.”

Sidoo kale taliye ku xigeenka ciidamada booliska somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa isaguna ka waramay hawl galada ay ilaa hada ciidamada amaanku sameeyeen iyo tirada dhalinyarada lagu soo qabqabtay waxaanu yidhi “Ciidanku waxay ku jiraan hawl gal aan kala go lahayn  kaas oo lagaga nadiifinayo caasimada food dheerayaasha iyo kuwa qas wadayaasha ah ee magaalada dhex wareegaysanaya iyo tuugtaba, waxaanu hawl galkaasi noqon doonaa mid aan kala go lahayn, waxaanu ciidanku ilaa hada soo qabtay tiro aan ka yarayn 100 food dheerayaal ah oo 67 ka mid ah la xukumay iyo 12 magafayaal ah  iyo sodomeeyo xukun sugayaal ah oo dhalinyarada ka tirsan, hawl galkaasina xalay ayuu bilaabmay ilaa hadana wuu socdaa waanu sii socon doonaa.”

Dhinaca kale taliyaha ciidanka nabad galyada wadooyinka gaashaanle Sare Faysal Xiis ayaa isaguna dhinaciisa digniin u diray mulkiilayaasha gaadiidka iyo darawalada waxaanu yidhi “Waxaan u sheegaynaa kuwa baabuurta kiraysta ee caruurta yaryar ka kireeya oo intay ka kireeyaan iyaga oo aan waydiin liisan iyo buug hadhawna khasaare dhimasho iyo dhaawac gaysanaya ee hadana soo dacwoonaya ma soo dacwoon karaan wixii halkaas ka yimaadana iyaga ayaa ka masuul ah.”

Taliyaha Ciidanka nabad galyada wadooyinka oo hadalkiisa sii wata ayaa digniin u diray wadayaasha gaadiidka iyo dadka baabuurta dhigta meelaha aan loogu tala galin waxaanu yidhi “Wadooyinka ayaa la dhiganayaa baabuurtii, kuwii bakhaarada haystay ayaa hortooda dhiganaya sharcina maaha ee waa khalad, waa inaanay wadooyinka dhexdooda dhigan ee ay meelaha loogu tala galay dhigaan, waa inaanay wadooyinka xoog u socon, waa inay dadka ay wadaan ee rakaabka ah ilaaliyaan, nafta bina aadunkuna waa qaali laakiin waxaad moodaa inaanay dadka baabuurta wadda  naftuba qaali la ahayn, mana oga inay masuul ka yihiin nafta umada, maalkooda iyo hantida.”

Digniinaha ay saraakiisha  ciidanka amaanku  u direen shacabka ayaa ku soo beegmaya iyada oo magaalada Hargeysa laga fuliyey hawl gal ka dhan ah dhalinyarada la baxda timaha kuwaas oo shacabka somaliland ay su,aalo badan iska waydiiyeen sababta wakhtigan ku soo beegtay, waxaana fariimaha ay dhalinyaradu isku waydaarsanayaan baraha bulshada ay ugu gudbinayaan xukuumada waajibaadka ka balaadhan timaha dhalinyarada ee hor yaala loogana baahan yahay inay fuliyaan.