Ctubyadiii U Horeeyay Ee Ugandha Ka Sicday Oo Ka Baxay Somaliya

0

Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya kala baxday qayb ka mid ah Ciidamadeeda qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

Uganda waxa ay sheegtay in uu si rasmi ah u bilawday Qorshaha ay ciidamada ugala baxeyso gudaha Soomaaliya , taasoo qayb ka ah yareynta Ciidanka ka jooga Soomaaliya oo tiradoodu gaarayso lix kun.

281 askari oo ka mid ah Ciidamada Nabad Ilaalinta Amisom ayaa shalay ka baxay Muqdisho.

Korneyl Richard Karemire Afhayeenka Ciidamada Uganda  ayaa u sheegay  Xinhua  in bixitaanka Ciidankaan ay qayb ka tahay dhimista Ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya oo 1000-kii ugu horreeyay bixitaankoodu ku eegyahay 31 Bishan Dec.

“Waxaan horeyba u fulinay shuruudaheena

sida Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, waxaan horeyba u dhignay ciidankeena [281] si waafaqsan Dastuurka 31-ka December,” ayuu yiri Karemire.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ku dhawaad 1000 Askari ay ka bixin doonaan Soomaaliya, islamarkaana 5000 ay sii joogidoonaan