Madaxwayne Biixi Oo Kulan Kii Kowaad Qasriga Madaxtooyada Somaliland Kula Qaatay Mushraxii Xisbiga Wadani cabdiraxmaan Cirro

0

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo musharaxi uu tartanka doorashada Kula Tartamaayay ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa maanta Kulmay

Kulanka  oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa dhinaca xisbiga Waddani musharax Cabdiraxmaan Ciro ku wehelinaayey hogaanka xisbigaasi oo ay ka mid yahiin Murashax Ku Xigeenkii Xisbiga Maxamed Aw Cabdi Xoghayaha Guud Maxamed Uurcade Iyo Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid.

ilaa hada lama garnaayo arimaha dhabta ee ay ka wada hadleen marka laga reebo in ay ka wada hadleen sidii looga gudbi lahaa xanaftii ay reebtay doorashadii Madaxtooyada ee dhawaan Somaliland ka dhacdey