waxaanu rajaynaynaa horumarka wadada Berbera,iskaashiga dhaqaale, dhismaha wadada iyo maalgalinta dekeda iyo korontada Itoobiya dhankeeda ka iman doonta waxyaabahaas kaabayaasha dhaqaalaha inaan sii xoojin doono Inta Muuse Biixi Xilka Hayao, Wasiirka Gaadiidka Ee Ethiopia

0

Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay inay xoojinayso xidhiidhka iyo wada shaqaynta ay la leedahay Somaliland, waxaanay sheegtay in deg deg loo bilaabi doono bilowga iyo dhammaystirka jidka isku xidha Berbera iyo Wajaale si ay gaadiidka Itoobiya ugu fududaadaan inay shixnadaha ka soo qaadaan Berbera.

Wasiirka gaadiidka Itoobiya Axmed Shide oo dhawaan ka qayb galay munaasibadii xil wareejinta ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu sheegay in dawladda Itoobiya madaxweyne Muuse Biixi ka filayso iskaashi dheeraad ah iyo wada shaqayn hor leh. Wasiirku wuxuu arrimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Siciid Cige.

Ugu horayn wasiir Shide oo ka hadlaya xidhiidhka

Somaliland iyo Itoobiya wuxuu yidhi  “Aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay Somaliland shacab ayaa noo dhaxeeya oo xad ayaa noo dhaxeeya ganacsi balaadhan ayaa noo dhaxeeya wada qaybsi nabadeed ayaa noo dhaxeeya hadana waxaanu doonaynaa iskaashiga dhaqaalaha inaanu aad u sii xoojino gaar ahaan wadada Berbera in si buuxda loo horumariyo, waddooyinkeeda iyo maalgalinta dekeda iyo dejinta nidaamka ganacsiga  ee noo dhaxeeya, wadadan Berbera inay noqoto ta ugu muhiimsan ee mustaqbalka ganacsiga, mustaqbalka Itoobiya dhaqaalahu aad ayuu u sii korayaa,markaas waxaanu rabnaa inaanu gobalka awood dheeraad ah aanu ku abuurno.”

Wasiir Axmed Shide oo la waydiiyay in aan wadada oo mudo dheer laga wada hadlayay aanay weli bilaabmin wuxuu yidhi”Lama bilaabin lama dhihi karo oo hadda maalgalin ayaa soo socda oo ay DP world ay bilowday, hadda hawlgalka way la wareegeen oo shaqada way sii wadaan,sidan uu yahayna Itoobiyaan ahaan waanu isticmaalnaa dekeda  oo raashimada kala duwan ayaanu ka soo dejinaa, laakiin waa in dekeda aad loo balaadhiyo wadadana la dhiso.Waxaanu leenahay guddi Somaliland iyo Itoobiya ah oo arimahaas ka wada shaqeeya wada hadalo badanina waa ay noo socdaan, arrinta ugu muhiimsanina waa in maalgalin loo helaa wado dheer oo u baahan in gaadiidka badan ee wax soo dega soo qaadaa ay xamili kartaa, waxay u baahan tahay wado balaadhan oo tayo leh in la dhiso. lacagta EU-qayb ka ka mid ah ayay ahaan doonaan, Imaaraadkana rajo fiican ayaa laga qabaa , markaas wada hadaladu way noo socdaan oo taas ayaanu rajaynaynaa.”

Wasiirka oo la weydiiyay sulaal la xidhiidhay isu socodka dadka iyo cabashooyinka bulshada qaar ka qabaan helitaanka dal ku galka Itoobiya wuxuu yidhi “Xafiis weyn oo balaadhan ayaanu ku leenahay Hargeysa oo arimaha socdaalka iyo fududaynta ganacsiga ay shaqadiisa ugu weyni tahay, xuduudana xafiisyo ayaanu ku leenahay kastam iyo laan socdaal, markaas hadday cabasho jirto mid aanu eegayno ayay noqonaysaa.”

Axmed Shide wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dawladda federaalka Itoobiya oo madaxweynaha cusub ee Somaliland ka hadlaayay waxa uu yidhi”Waxaanu ka rajaynaynaa Muuse Biixi waa hoggaamiye adag aragti dheer leh oo khibrad balaadhana leh, wada hadalo badanina way na dhex mareen oo heer fedaraal ah oo ay raysal wasaaraha dhawr jeer kulmeen, waxaanu rajaynaynaa horumarka wadada Berbera,iskaashiga dhaqaale, dhismaha wadada iyo maalgalinta dekeda iyo korontada Itoobiya dhankeeda ka iman doonta waxyaabahaas kaabayaasha dhaqaalaha inaan sii xoojin doono oo aanu fulin doono inta uu xilka hayo, taasina ay wax badan ka badali doonto wadada Berbera, wax badan u sahli doonto Somaliland,Itoobiya iyo deegaanka Soomaalida Itoobiya ay isku xidhmaan oo ay noqoto wado dheeraad ah oo ku soo koradha Geeska Afrika.”