Deg Deg, waxaynu u leenahay hay’ado sharci ah laakiin wasiiradii hore halaga daayo dacaayada iyo dhaleecaynta, wasiiradaas hore way soo shaqeeyaan oo waa halgameen ee hala daayo, baabuur xun oo qordhash ah maxay ku falayaan,,Gudoomiyaha Golaga Guurtida

0

Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa si adag u difaacay wasiiradii hore ee ka tirsanaa xukuumada madaxweyne Siilaanyo.Gudoomiye Saleebaan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa soo jeediyey in eedaymaha musuq masuqa la xidhiidha laga daayo wasiiradii hore ee xukuumadii madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi “Baabuur ayaa maqan, baabuur ayaa la soo qabtay kuma camal falo, haddii wax lala baxsanayo waxaynu u leenahay hay’ado sharci ah laakiin wasiiradii hore halaga daayo dacaayada iyo dhaleecaynta, wasiiradaas hore way soo shaqeeyaan oo waa halgameen ee hala daayo, baabuur xun oo qordhash ah maxay ku falayaan, waxa qaranka u yaala ayaa ka badan, haday la baxsadaansoo waxooda qaaddan mayno, markaa waxay ila tahay kuwaas aynu duco raacino way shaqeeyeene, kuwan cusub ee hada bilaabayna aynu sugno.”

Gudoomiye Saleebaan oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Dadkaas dimuqraadiga ah ee doonaya inay horu mar gaadhaan oo isku duuban ayaanu nahay oo taas ayaa  muhiim ah,  reer aan isku duubnayni doorasho ma gali karo oo isku duubnida ayaa wax ah, markaa nala qaatoo aqoonsigayagii aad hor taagnaydeen dee sii daayo.”

Gudoomiye Saleebaan oo la hadlaya madaxweynaha somaliland ayaa waxa uu yidhi “Intii uu maalintii naga balan qaaday inuu fuliyo oo wadaninimo, daacad iyo cadaalad nagu dhaqo ayaanu ka doonaynaa wax kale oo aanu ka rabnaa ma jiro, horu marku wuu imanayaa waanan is raacaynaa, inuu ina hogaamiyo oo walaaltinimo inagu hogaamiye ayeynu uga baahanahay madaxweynaha, anagana xilkaas madaxweynaha  ayaa noo haya oo aanu la xisaabtamaynaa.”