Museveni Madaxwaynaha Ugandha oo 30 sanadoood Xukunka Hayay Oo Si Uu Kal Lixaad Xukunka Usii Haysto Loo Furayo Shuruucda Baarlamaanka Yugandha Ka yaala Da,da

0

Haddii la ansixiyo ,waxa ay micnaheedu tahay in isbadal lagu samaynayo dastuurka taasi oo madaxwayne Yoweri Museveni u ogolaanaysa in markii 6aad uu xilka maadaxwaynanimada u tartamo .

Qorshaha lagu doonayo in lagu kordhiyo muddada 30 sano ah ee uu xilka hayay madaxwayne Yoweri Museveni ayaa horseeday rabshado gudaha iyo dibadda baarlamaanka dalkaasi.

Bishii September xildhibaanada ayaa ku dagaalamay gudaha baarlamaanka iyaga oo isu adeegsaday oo isla dhacay kuraasta iyo makarafoonada.

Ciidamada ammaanka oo ay ka mid yihiin kuwa lala xiriirinayo in ay yihiin ilaalada gaarka ah ee madaxwaynaha ayaa la arkayay iyaga oo garaacaya oo xiraya xildhibaanada ka soo horjeeda isbadal lagu sameeyo dastuurka.

Waxaa sidoo kale dalka Uganda ka dhacay dibad baxyo rabshado wata oo arrintan looga soo horjeedo.

Ra’yi uruurin la sameeyay ayaa muujinaysa in aqlabiyada dadka reer Uganda ay ka soo horjeedaan in dastuurka laga saaro qodobka muddada da’da uu xilka madaxwaynaha hayn karo taasi oo imika ah 75 jir.

Haddii aan isbadal lagu samayn dastuurka ayaa waxa ay taasi ka hor istaagaysaa madaxwayne Museveni in uu u tartamo xilka madaxwaynanimada doorashada 2021.

Balse taageerayaashiisa ayaa ku tilmaamay xaddidaada lagu sameeyay da’da madaxwaynanimada in ay tahay faqooq.

Si kastaba ha ahaatee sharcigan ayaa lagu wadaa in la meelmariyo maadaama xubnaha xisbiga talada haya ay ku badan yihiin aqalka baarlamaanka.

Waxaa sidoo kale socda qorsha kale oo lagu kordhinayo mudada markii la soo doorto baarlamaanka iyo madaxwaynaha ay xilka hayn karaan taasi oo imika ah 5 sano balse imika la doonayo in laga dhigay 7 sano.