Afar Wasiir Oo Ka Mid Ahaa Xukuumadii Siilaanyo Oo Aan Ka Mid Noqon Xukuumada Cusub Oo Ka Hadlay Dareenkooda

0

Qaar ka mid ah xubnihii golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo ee aan ka midka noqon xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dareenkooda iyo siday u arkaan inaan lagu soo darin liiska wasiirada cusub.

Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, qorshaynta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo), duulista iyo hawada Farxaan Aadan Haybe  iyo Wasiirkii Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), oo Xukuumaddii Axmed Siillaanyo, ka mid ahaa, Wasiiradda la magacaabayna aan ka mid noqon ayaa ka hadlay dareenkooda ku saabsan siday u arkaan inay ka dhex muuqan waayaan Golaha Wasiiradda Xukuumadda Muuse Biixi,waxayna sheegeen in xilku wareegto yahay, dhibna aanay u arkayn

n lagu soo dari waayo.

Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed iyo Wasiirkii Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere),oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa ugu horeyn Wasiirkii Ganacsigu Dr Cumar Shucayb Maxamed yidhi “Xilku waa meerto, waana sunaha dawladnimada in marka qof kursiga ku fadhisto, haddana xilka laga qaado, sidaas oo ay tahay Wasiiradda la magacaabay waan u hambalyeynayaa, waxaana ugu hambalyeynayaa xilalkaas loo magacaabay, waxaana ALLE uga baryayaa inuu xilka ku asturo, oo waajibaadka ay umadda u qaadeen sida ugu daacadsan uga soo baxaan, Madaxweyne Muuse Biixina waxaan u rajaynayaa in sida Rwanda uu Madaxweynahoodu ugu horumariyey in isna Somaliland u horumariyo, inuu dalka guul, barwaaqo, badheedh iyo horumar u horseedana waan u rajaynayaa”.

Wasiirkii Ganacsigu mar uu ka hadlaayey inuu ka sii mid ahaanayo Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Waan ka sii mid ahaanaya Xisbiga Kulmiye, walibana waanu la shaqayn doonaa Madaxweynaha, wax kasta oo la nooga baahdana hiil iyo hooba waanu la garab taagan nahay, in dadkeenu isku duubnaado, oo mid noqdo, oo aynu Xukuumaddeena dhiso, ayaa la inooga baahan yahay”.

Wasiirkii Waxbarashada Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere),oo aanu isna wax ka weydiinay dareenkiisa ku aadan in aanu ka mid noqon Xukuumadda la magacaabay ayaa yidhi “In xilka la iga qaado,waan ku faraxsan nahay, xilkuna soo meerto maaha, ha lagula arko, oo ha lagula dareemo dhibaatada iyo xilka, laakiin haddii aad adigu kaligaa huursato, waa mushaakil, haddii xilka laga qaadayna kama xumi, ee waan ku faraxsan nahay, tacab badan baa dalka iga galay, nin ka ordaya dalka ma ihi, nin dibin daabyo u taagana ma ihi, nin wixii uu tari karayo u diyaar ah ayaan ahay”.

Mar aanu wax ka weydiinay inuu Xisbiga Kulmiye ka sii mid ahaanayo iyo inuu ka baxayo madaama aanu ka dhex muuqan Xukuumadda Muuse Biixi ayaa  yidhi “Kulmiyena waan ka sii mid ahaan doonaa,insha allaahna madaxdiisa sare ayaanu ka qayb gali doonaa, Kulmiyena cid ma leh ee umadda ayaa leh, Kulmiyena waa Xisbigeenii,

Wasiirka qorshaynta Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo, ayaa isna yidhi “Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbiga Kulmiye Ujeedada aanu ka lahayn May ahayn in aanu Xil Wasiir ka Helno ee waxay ahayd in Musharaxayaga iyo Xisbigayagu Guuleeystaan,labadiiba waanu ku Guuleysanay, Xukuumada uu soo dhisayna waan soo dhaweynaynaa waanan Kula la shaqeynaynaa” sidaas ayuu yidhi.

Wasiirka duulista iyo hawada Farxaan Aadan Haybe, ayaa isna ka hadlay dareenkiisa, waxaanu yidhi “Xukuumaddan la magacaabay waxaan u arkaa inay tahay Xukuumad ka timid Xisbiga Kulmiye, oo ka timid Madaxweynihii la doortay, marka anaguna Xisbigaas ayaanu ka wada tirsanayn, Madaxweynuhuna Doorashada iyo dookhaba isaga ayaa leh.”

Mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko inuu ka dhex muuqan waayo Wasiiradda la magacaabay ayaa ku jawaabay “Sunaha dawladnimo ayey ka mid tahay in la is bedelo, Madaxweynahana markii aanu la garab taagnayn, ee aanu Xisbiga la halgamaynay mab’da ayaa na walaaleeynayey, oo aanu ku wada soconay, macnaha iyo ujeedadu may ahayn inuu xil noo magacaabo, oo kumaanu wada socon, laakiin waxaanu ku wada soconay inuu Madaxweyninimada uu ku guulaysto, Xisbiguna soo baxo, taasina ALLE uu noo suurtagaliyey, ta labaadna Madaxweynuhu isaga ayaa leh qalinka, go’aanka iyo taladda, isaga ayey ka bilamaan, kuna dhammadaan, cida uu la tashanayo isaga ayaa la tashanaya, haddii uu arko cida raggii la soo halgamay inay qaar nastaan, wax ceeb ah maaha, Xisbiga ayaanu ku wada jirnaa, waanu la shaqeeynaynaa, Ragga kalena waa Rag iyana halganka ku jiray, iyana waanu garab taagan nahay oo waanu la shaqeeynaynaa, oo talo iyo tusaaleba waanu ku biiraynaa”.

Geesta kale Farxaan Aadan Haybe, ayaa ka hadlay sida uu u arko in wasaaradii duulista la hoos geeyay wasaaradda gaadiidka, waxaanu su’aal isweydiin mudan ku tilmaamay in hawadu hoos tagikarto gaadiidka.

Wasiir Farxaan oo uu Geeska Afrika weydiiyay sida uu u arko in Wasaaradda Duulista Hawada ee uu Wasiirka ka ahaa meesha laga saaray ayaa ku jawaabay “Sida aan war ku hayo Wasaaraddu waxay u muuqata in la hoos geeyey Wasaaradda Gaadiidka, waayo haddii dib loo magacaabayo sida Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Deegaanka, Diinta iyo Awqaafta,  ayaa dib loo magacaabi lahaa, markaas macnaheedu waxa uu ku siinayaa in meesha laga saaray, laakiin waxa isweydiinta leh waa sadaasha oo ah hawada, ma hoos tagi karaan Gaadiidka, oo inta badan kama mid noqdaan nidaamka Caalamiga ah, taasna waxaan filayaa inay qorshaha ugu jirto Madaxweynaha, inuu u sameeyo Wakiilad, ama Hay’ad madax banaan”.