Xasuuqii Dadaka Tuutsiga Ruwanda Oo Xiligan Warbixin Lagu Diyaariyay Maraykanka Aay Xaqiijisay In Faransiisku Qayb ka Ahaa

0

Warbixin Maraykanka laga soo saaray ayaa ku talisay in baadhitaan buuxa lagu sameeyo doorkii uu Faransiisku ku lahaa xasuuqii ka dhacay Rwanda.

Warbixintan oo la yidhaa The Muse Report oo ay maalgalisay dawladda Rwanda ayaa lagu soo gunaanaday in masuuliyiin Faransiis ah “ay ogaayeen ayna gacansiiyeen ficilladii iyo hadafyadii ay lahaayeen labada dhinac ee dawladdii Habyarimana iyo dadkii xasuuqa gaystay ee awoodda la wareegay markii uu billaabanayay xasuuqii Tutsi-ga.

Waxaa kale oo Faransiiska lagu eedeeyay in uu “farogaliyay dadaalladii caddaaladda iyo xaqiiqada loogu raadinayay dadkii ay waxyeelladu soo gaadhay”.

Dad lagu qiyaasay 800,000 oo ruux oo reer Rwanda ah

oo badankood Tutsi yihiin ayaa la dilay intii u dhaxaysay bishii Abriil ilaa bishii Juunyo ee 1994tii.

Xidhiidhka u dhaxeeya Faransiiska iyo Rwanda ayaa sii xumaaday tan iyo markii uu dil wadareedkaasi dhacay.

Murankan wuxuu salka ku hayaa Faransiiska oo xidhiidh dhaw la lahaa dhaqdhaqaaqii dawladdii ay Hutu nimadu la waynayd ee Juvenal Habyarimana ka hor intii uusan xasuuqu dhicin.

Rwanda ayaa hore Faransiiska ugu eedaysay in uu iska indho tiray ama ay ka hoos baxday calaamado halis tilmaamayay iyo in uu tababaray dadkii xasuuqa gaystay.

 

 

 

 

Source:-BBCsomali