Deg Deg, Xoghayihii Duulista hawada Ee Xisbiga Wadani Oo Sir Laf Jab Ku Ah Xisbiga Wadani Soo Dhigay Bartiisa facebook, ga

0

Xogahayaha Duulista iyo Hawada Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani Nuuradiin Ibraahim Awcadi ayaa jawaab adag ka Bixiyay hadal iyo qoraal is khilaafsan oo kasoo yeedhay xogahayah gaarka ah ee Musharixii Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi(Ciro) oo Lagu Magacaabo Maxamed Xasan Dirir(Mohamed H. Dirir)qoraaladaas iyo hadaladaas is khilaafsan oo xogahaye Nuuradiin Ibraahim Awcabdi sheegay inay ahaayeen kuwo looga shaqeeyay qaab munaafadi ka muuqato ayaa la xidhiidha in Guud ahaan Madaxda Xisbiga Waddani lagu ogaysiinaayay Fariimo uu Mobilka k adiraayay xogaha gaarka ah ee Cabdiraxmaan Ciro fariimahaas oo xambaarsanaa inaan Xisbi ahaan laga qeyb gali karin xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee Somaliland xilka kagala wareegayo Madaxweynihii hore.

fariintaas oo guud ahaan gaadhay masuuliyiinta iyo shaqaalaha Xisbiga Waddani sideediina loo qaatay iyada oo qoraalka fariinta Mobilka Laga dirayna la sheegay inay katimi Musharixii Xisbiga Waddani ee Doorashada Lagaga Guulaystay oo dalka debediisa ku maqan.

Taas bedelkeeda Waxa uu xogahaye Nuuradiin sheegay in lagu dhex arkay wiilkii uu adeerka   u ahaa Musharax Cabdiraxmaan Ciro ee fariimaha diraayay islamarkaan ahaa xogaha Gaarka ah ee Cabdiraxmaan Ciro oo xafladii xilwareejinta Madaxweyne Muuse Biixi dhex taagan sawiro uu kusoo galayna kusoo posti gareeyay bartiisa facebook.

kadibna waxa uu Xogahye Nuuradiin Ibraahim Awcabdi Bartiisa Facebooka Soo dhigay qoraalkan uu kaga hadlayo Xogahayah Cabdiraxmaan Ciro iyo ficilada uu sameeyay ee isburinaya oo uu ku tilmaamay Munaafaqadnimo iyo khiyaamo Xisbi oo wiilkaasi Maxamed Xasan Dirir sameeyay.

Waana kan Qoraalka aanu ka soo Xiganay Barta Facebook ee Nuuradiin Ibraahim Awcabdi ee Halka hoose Ka akhri” 

Mohamed H. Dirir waa mid ka mida masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga waddani waliba waa xoogahaya gaarka ah ee gudoomiye CIRRO, shalay ayuu ii soo diray telephone waxa uu igu yidhi saw ma ogid in uu xisbigu go,aamiyay in aan xafladaasi la tagin lagu dhaarinaayo madaxweyne muuse biixi, maya ayaan ugu jawaabay waxa uu igu yidhi miyaanu massage kuu soo dhicin, maya ayaan idhi intaasi markii aanu is niydhi,
waxa aan ku idhi anigu waar xafladaasi anigu tagi maayo xataa hadii layga yeedho mana taageersani in xisbigu tago hadii taa la go’aamiyayna waaba sidii aan rabay.

Aan idiin sii wado ma rumaysan in uu mr Dirir xaflada joogo markii aan muuqiisa ku arkay madashii xaflada sawiro laga soo qaaday waliba isagu soo dhigay bartiisa Facebook waxa aan u holaday in aan telephone u diro si aan uga xaqiijiyo afkiisa, wuxuu i yidhi waan joogaa waliba shalay waan ogaa in aan tagaayo kumana odhan lama tagaayo, waligay maan samayn munaafaqad intaa leeg mana khiyaamayn xisbigii aan ka tirsanaa xataa iyada oo lacag laygu baayacaayo,

Inamada gudoomiye cirro adeerka u yahay ee waliba shaqada xisbiga gacanta ku hayaa hadimada ay xisbiga gaadh siiyeen ma jirto cid gaadhsiisay hadii cidi xisbiga waddani basaasaysay kuwanaa kow ka ah.

Anigu Nuuradiin Diini ahaan waddani waxa sharaf u ah in aan raaco oo aan u codeeyo u shaqeeyo wakhti ku bixiyo aniga oo ka soo hadhay TOLKAY madaxweyne Muuse biixi abdi waa adeerkay se reernimo kuma raacin.

Qoraalkan aan bulshada u soo bandhigay waxa igu kalifay in aan cadeeyo cida xisbiga waddani ka macaashtay, ee basaastay, khiyaamaysay, amarkii xisbigana burisay, ku darsoo kaa xaflada muuse lagu boqraayo joogaa waa ka massege idiin muuqda soo diray miyay jirtaa munaafaqad iyo khiyaamo intaasi ka weyni sidaan qabo maya

Xisbiga waddani waxa mihiim u ah in laga qabto inta joogta xarunta dhexe ee xisbiga hadii kale URUR buu dib ugu noqon

Si faahfaahsana arinta waan uga hadli doonaa