Hay,Ada Caalamiga Ah Ee UNICEF Oo Ka Digtay Khatar Caruurta Kasoo Gaadha Internetka Isticmaalkiisa Kusoo Bateen Caruurta ka yar Da,dii Loogu Talo Galay

0

Hay’adda caruurta aduunka ee UNICEF ayaa ugu baaqday shirkadaha dhanka tiknoolajiyada in ay qaadaan tallaabooyiin dheeraad ah oo da’yarta lagaga ilaalinayo waxyeelada internetka.

Hay’ada UNICEF ayaa sheegtay in maalin walba in ka badan 170,000 oo carruur ah ay markii ugu horeysay isticmaalaan internetka.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ay sare u kacday carruurta isticmaasha baraha wax lagu qoro.

Hay’adda carruurta ayaa imika ku baaqaysa in sare loo qaado aqoonsiyada lagu hubiyo da’da dadka isticmaala internetka.

Warbixinta ay soo saartay UNICEF ayaa soo jeedinaysa in marka caruurta ay isticmaalayaan baraha bulshada ay shirkaduhu  heerka ugu sareeya gaadhsiiyaan ilaalinta macluumaadka gaarka ah ee
carruurta.

 

 

 

Source:- BBCsomali