Xdaka U Dhexeeya Labada Dal EE Somaliland iyo Jabuuti Oo Isbedel Lagu Kordhiyay Intii UU Furnaan Jiray Ee Gumaystahii Kaga Tagay

0

Dawlada Jabuuti ayaa shaacisay wax ka bedel lagu sameeyey wakhtigii la ogolaa inay dadka iyo alaabtu iskaga gudbaan xuduudah somaliland iyo jabuuti.

Taliyaha ciidanka booliska iyo laanta socdaalka ee dawlada Jabuuti Cabdilaahhi Cabdi Faarax oo ka hadlayey dhisme loogu tala galay laanta socdaalka Jabuuti ayaa sheegay in xuduuda labada dal ee somaliland iyo  jabuuti ay tahay mid furan wakhti kasta.

Taliye Cabdilaahi oo ka hadlaya furitaanka xuduuda ayaa waxa uu yidhi “Xuduudani waxay ahaan jirtay ilaa wakhtigii gumaysiga in dadka ka gudbaya la xidhi jiray marka ay gaadho afarta galabnimo, maantana waa xuduud furan 24-ka saacadood taas oo ay dadku ka

gudbi karaan, taasna hada waanu ka sii talaabsanaynaa waxaanan ku tala galnay in duunyaduna ka gudbi karto 24-ka saacadoodba haday tahay habeen iyo haday tahayba dharaar si uu dadku u noolaan karo, dhaqaaluhuna u kordhi karo.”

Taliyaha ciidanka booliska iyo laanta socdaalka ee Jabuuti ayaa sidoo kale ka hadlay  dhisme loo hir geliyo laanta socdaalka iyo shaqada lagu qaban doono waxaanu yidhi “Wakhtiga xagaaga ee dhulku kululaadana  goobtani waxay noqon doontaa meel hadh ah oo dadku joogsan karaan taas oo lagu baadhayo alaabta iskaga gudbaysa labada dal.”

Sidoo kale masuuliyiin ka tirsan xukuumada somaliland oo ay hogaaminayso wasiirka maaliyadu oo iyaguna ka hadlay dhismaha cusub ee laanta socdaalka Jabuuti ayaa ka waramay muhiimada ay xaruntani u leedahay dadka iskaga gudbaya wadamada Jabuuti iyo Somaliland.