Golaha Wasiirada Somaliland Oo Dusha Lagaga Riday Amar Ah In Aanay Dalka Ka Dhoofi Karin In Xilwareejintu Dhacayso, Sababo la Xidhiidha,

0

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska soo gaadhay Xalay ayaa daaha ka rogay in Amar xayiraad ah la dul dhigay dhamaan Xubnaha Golaha Wasiiradda kujira ee Xukuumadda Xilka ka degaysa ee Madaxweyne Siilaanyo kaasi oo ka mamnuucaya inay wax safar ah dibada ugu bixin inta lagu jiro wakhtiga kala guurka ah ama kala wareegga ah,ee labada Madaxweyne Xilka lakala wareegayaan.

Illo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay in in dhamaan Madaaradda laga dhoofo ee dalka la dhigay amarkaasi xayiraad ah inay fuliyaan oo aanay u ogolaanin Xubin Golaha Wasiiradda Xukuumadda Xilka ka degaysa ee Siilaanyo ka tirsani inuu dalka dibada uga baxo inta ay Xilka lakala Wareegayaan Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo madaxweynaha Cusub ee doorashada ku guulaystay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo loo qorsheeyay inay si rasmi ah xilka ama masuuliyadda Qaranka Somaliland ula kala wareegaan 13-ka Bishan aan kujirno oo ah maalinta ArbacadaTodobaadkan oo ay oo saddex cisho oo qudha ahi inaga xigaan.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti la saadaalinayo inay Xukuumadda Xilka ka degaysaa ku wareejiso Xukuumadda Cusub Dayn xad dhaaf ah oo aanay Xukuumadihii ka horeeyay wareejin,waxaanay sidoo kale ku soo beegmaysaa wakhti uu Madaxweynaha Xilka la wareegayaa muujiyay ama uu badka soo dhigay,islamarkaana ay ka muuqato inaanu dib usoo magacaabayn ama Wax xubno ah ka soo qaadanayn Golaha Xukuumadda Siilaanyo ee xilka ka degaya marka laga tago laba illaa Saddex Masuul oo sida la saadaalinayo ka saafi ah kuwaasi oo ka mid noqon doona Xukuumadda Tirada yare ee uu soo dhisayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,Xukuumaddaasi oo si weyn ay bulshada Somaliland uga dhursugayso.

Majiro War rasmi ah oo ka soo baxay Xukuumadda oo ka hadlaya wasiiraddan Xukuumadda Siilaanyo ee safarka dibada Xayiraadda laga saaray balse warar xaqiiqo ah oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa iftiimiyay in laga shaki qabo in Xubno Xukuumadda hore ka tirsani oo loo tirinayo inay ku kaceen Musuq maasuqa ay isku dayaan inay fakadaan,waxaana soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Cusub nidar ku galay inuu xisaab cad kala wareegi doono Xukuumadda hore isagoo masuul kasta kala xisaabtami doona hay’adda uu masuulka ka yahay inuu xisaab cad oo tifaftiran wareejiyo,waxaana aad loo hadal hayaa inuu Madaxweyne Muuse Biixi noqon noqon doono Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland soo mara ee Masuul Hay’addeed ama Wasiir xabsiga ugu taxabay Musuq maasuq iyo xatooyo xoolo umaddeed oo uu ay ku kaceen,waxaanay arintaasi wal wal wayn ku riday dhamaan golaha Xukuumadda Siilaanyo oo joog iyo jiifba diiday,sugina kari la’ mudada yar ee ka hadhay xil wareejinta Labada Madaxweyne.

 

Xigasho Foore