Xildhibaan Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xisaab xidhadu waa tiir ka mid ah tiirarka laga dheehan karo ilaalinta hantida umadda, xilliga kala guurka, haddii ay xumadaan ama ay baaqdaan, wey adkaanaysa si loo ilaaliyo hanti umaddeed

0

-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa wax aad loola yaabo ku tilmaamay in ilaa hadda aan Golaha Wakiilada loo soo gudbin Miisaaniyada iyo Xisaab xidhka Xukuumadda ee Sannadkan, halka uu ayaan daro ku tilmaamay ilaa Golahooda loo soo gudbiyo xisaab xidhkii 2014 iyo 2015, waxaanu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi hawl culusi sugayso.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xil wareejinta iyo qaabka la filayo inuu Axmed Siillaanyo ugu wareejin doono Muuse Biixi taladda qaranka, waxaanu ugu horeyn yidhi “Kolay Madaxweynaha talooyin aad u badan baa la siiyey, dhibaatada ugu
badan ee aynu wajihi karno ee maanta muuqda waa musuq-maasuqa, tusaale ahaan Miisaaniyaddii Golaha Wakiilada waxa loo soo gudbiyey Xisaab xidhkii 2014 iyo 2015, waxaana wax aad loola yaabo ah xisaab xidhad wakhtigaas maraya, aniguna wax la wareejinayo garan maayo, xisaab xidhadii 2016 iyo 2017 wey hadheen, oo xittaa sannadkan ugu dambeeya lama sameeyn, Xukuumadda sii joogaysa ayaa lixda bilood ee hore soo gudbisa, ee Xukuumad sii socotaa oo maalmo u hadheen waxay soo gudbinayso garan maayo, hanti dhawruhuna muxuu tixraacaya haddii aan la keenin xisaab xidhkii 2016 iyo 2017, waxayna ahayd in inta aanay bishani dhammaanin xisaab xidhadaas la helaa, waana meesha kaliya ee isha lagu hayo in xil wareejinta laf dhabar u tahay, haddii ay taasi dhici weydana la xisaabtan ma jiro, Miisaaniyadu waa sahwiyada la saarayey sida ay xisaabaadka iyo siday u  dhaceen,haddii ay taasi maqnaantana waa dal-dalooladii ugu weynayd ee maxa la wareejinayaa, umadduna halkay diirada ku haysaa waa halkaas, hanti dhawruhuna wuxuu wax ku baadhi lahaa waa inuu soo gaadhsiiyo Golaha Wakiilada”.

Xildhibaan Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xisaab xidhadu waa tiir ka mid ah tiirarka laga dheehan karo ilaalinta hantida umadda, xilliga kala guurka, haddii ay xumadaan ama ay baaqdaan, wey adkaanaysa si loo ilaaliyo hanti umaddeed, markay ay Miisaaniyadu dib u dhacdo, Xukuumaddihii hore waxa la odhan jiray Miisaaniyadii hore ayaa lagu sii dhaqmayaa, ee Xukuumaddani, Xukuumad sii joogaysa maaha, ee waa in la helaa xisaab xidhkii oo turxaan la’, waana biyo kama dhibcaan in la helo xisaab xidhada, haddii kale waxay noqonaysaa qayrul dastuur”.

Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey Madaxweyne Axmed Siillaanyo iyo waxa lagu xasuusan doono ayaa yidhi “Oday Axmed Siillaanyo wixii ka soo hadhay Doorashada Madaxtooyada ee uu qabtay, waxaan ku tilmaamo garan maayo,oo weynu ka dharagsan nahay xaalada dalku maanta halkay marayso, balse  Xukuumadda Siillaanyo  horumar balaadhan  bay umadda u baahinaysay, ee horumarkaas xisaab xidhadoodii waa in la helaa, wax kasta waa laga kaban karaa, laakiin boqolaal heshiis baa dhacay, boqolalkaas heshiisna xisaab xidhadoodii lama hayo, ee 1991 Hay’adda Hello Trust baa inoo timid, Miino ayey guraysay, Madaxweyne Muuse Biixina wuxuu u baahan yahay boqol hay’adood oo Miinooyinkaas kala jaadka ah gura, hawl aad u balaadhan baa hor taala, Madaxweyne Siillaanyo waa fududaynta xilka wareejintiisa, Daahir Rayaalena waa la og yahay qaabka uu Axmed Siillaanyo uu xilka ugu wareejiyey, oo labadii Madaxweyne ee la kala wareegay wey joogaan, xaalada uu dalku ku sugnaa todobadii sanno ee ugu dambeeyey weynu arkaynaa, ee Axmed Siillaanyo waxaynu ugu ducaynaynaa in aanu xilka ku wareejin qaab ka hoosaysa qaabka uu xilka ugu wareejiyey Daahir Rayaale”.