Waxa aanu doonaynaa in aanu sii adkayno wada shaqaynta aanu la leenahay Somaliland, annaga oo Mr. Biixi ka taageerayna rumaynta himiladiisa ahayd in uu maamulkiisu noqdo mid u faa’ido ah dadka Somaliland oo dhan.”wasiirul dawlaha Ingiriiska ee Afrika

0

Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay ka go’antahay xoojinta wada shaqaynta Somaliland iyo weliba taageerista madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi.

Warbixin ay dawladda Ingiriiska, gaar ahaan waaxda arrimaha dibadda ka soo saartay doorashadii madaxtooyada Somaliland, waxay tilmaantay in shacabka Somaliland mudanyihiin in la taageero. Qoraalkaas oo uu soo saaray wasiirul dawlaha Ingiriiska ee Afrika iyo dalalka barwaaqo sooranka, Rory Stewart ayaa u qornaa sidan “13 November, waxa ay shacabka Somaliland u dareereen inay doortaan madaxweyne cusub. Ingiriiska oo ka mid ah deeq bixiyayaal dhawr ah door firfircoon ayay ka ciyaareen taageerista qorshaha guddiga doorashada Somaliland, diyaarinta iyo qabashada doorashadan. 16 November, kooxdii caalamiga ahayd

ee kormeeraysay doorashadu waxay warbixin hordhac ah ku cadeeyeen inaanay arag waxyaabo sharci darro ah oo badan oo waxyeelayn kara natiijada doorashada. Ingiriisku wuxuu ku biiray saaxiibada caalamiga ah oo si weyn uga murugooday geerida ay sababeen mudaharaado rabshado wata oo meelaha qaar, oo maalmihii doorashada ah.

21 November, guddiga doorashadu waxay ku dhawaaqeen in Mr.Nuuse Biixi Cabdi ay shacabka Somaliland u doorteen madaxweynahooda dambe. Safiirka Ingiriiska ee Somaliya ayaa u gudbiyay Mr. Biixi hambalyo diiran oo ah doorashadiisa waxaanu aad ugu riyaaqay balanqaadka iy masuuliyada murshixiinta mucaaradka ah, shacaka Somaliland iyo hay’adahooda doorashada ee xoojinta nidaamka dimuqraadiyadda. Ingiriiska wax aka go’an caawinta guudahaan dadka gobalada Soomaalida si ay u gaadhaan doonistooda.

Waxa aanu doonaynaa in aanu sii adkayno wada shaqaynta aanu la leenahay Somaliland, annaga oo Mr. Biixi ka taageerayna rumaynta himiladiisa ahayd in uu maamulkiisu noqdo mid u faa’ido ah dadka Somaliland oo dhan.”

 

 

 

 

Source:-Wargeyska Geeska Afrika