Shaqaalaha haamaha shidaalka Berbera o wacad Ku maray in shaqada ka tagi doonaan hadii xukuumadu gacanta u galiso shirkadaha madaxa banaan, shaqo joojina ay samayn doonaan,

0

Shaqaalaha ka hawlagala wakaalada haamaha shidaalka Berbera ayaa Sida Ilo Xo,ogaal ahi Sheegayaan habeenkii xalay ahaa Iskugu Yimid Kulan ay kaga arinsanayaan wareejinta wareejinta haamaha e ay xukuumadu dabada ka Riixayso, Sida uu noo sheegay Nin kamioda raga Muadad dheer ka hawlagalayay wakaaladaasi oo Codsaday in aan Magaciisa la sheegin waxa uu Yidhi,
Kulankani waxa uu ku saabsanaa in aanu Go,aan ka qaadano shaqaale ahaan Mustaqbalkayaga hadii ay dhacdo in Xukuumadu Ku guulaysato in ay hantida qaranka gacanta u galiso Shirkadaha madaxa banana e shidaalka Keena, waxaana filayaa in tani tahay waraabaw adhi Maad Raaci, waxaan uga jeedaa ragii aanu Isku hayasanay Shaqada xalaaasheeda e doonayay ,marwalba in ay qariyaan Shidaalak ay dalka Keenaan inta Tone ee uu yahay ,Ee aanu ka kantaroolanay tayada Shidaalka ayaa loo dhiibayaa maamulkii haamaha, waxaan u Aragnaa nasiibdaro dhacday, waxaana Go,aan ku qaadanay in Aanu Shaqada ka tagno xaqayagana Qaadno, Waxaanu Intaa ku daray raga hormoodka u ah Shirkadahan waa Kuwii Madaxwaynihii Hore e Somaliland Alle ha u naxariisto e maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal uu daraadoood ugu Dhiibay shirkadii Total , Maadaama Iyagoo Xiligaa maamula haamaha ay waxba ka qaban waayeen
Sidoo kale Nin kale oo kamida Shaqaalaha haamaha e xalay ka qaybgalay Kulankaa ayaa Isna Ku Tiraabay in ay sahqo Joojin samayndoonaan ,Shaqadana Iskaga tagi Doonaanba hadii Xukuumadu talaabadaa ka hadhi waydo ay haamaha gacanta u galinayso Shirkafdaha madaxa banana,
Waxaana wararku Sheegayaan in Maareeyaha wakaalada haamuhu Sheekh saleebaan uu xili danbe kawar Helay Kulankaa shaqaalaha Iskuna dayay in uu ku qanciyo in Shaqdooda wataan cadkasta oo Xukuum,adu Keentana la shaqeeyaan ,taasi oo ay ka Cadhoodeen Kuna gacan saydheen , Balan Dhaarana ay Hortiisa Ku mareen in aanay la Shaqayn Doonin Shirkadahaa Doonaya in ay la wareegaan xarunta haamaha,,
Hadaba Arinkan Haamaha e Dhawaanta uun soo ifbaxy ayaa halis wayn waxa uu ku yahay qaranka somalilann hadii aan si dhaqso ah laa qaboojin, waayo shidaalku waa waxa kaliya e shaqda oo dhami ku xidhan tahay hadii ay shaqaalahaasi sameeyaan shaqo joojina saamayn way ayay inagu yeelan doontaa Culus ooo xataa dhinaca amaanka iyo Dhaqaalaha ah,
Sida Ilo Xog,ogaali sheegayaana dakhliga Soo gala wakaalada haamaha kaydka shidaalka Berbera waa mid qayb wayn ka qaadan kara horumarinta haamaha iyo dakhliga dawlada Dhexeba, Sida la sheegayna Maalintii waxa ka baxa Ugu yaraan Afarkun oo foosto Ugu badnaana Lixkun oo foosto, lacagta laga qaado foostada batroolka ah waa $18.6 halka foostada Naaflatada ahna laga qaado $15.6
Xiligan waxa ka hawlgala xarunta haamaha shidaalka Shaqaale Gaadhaya 57 qof oo isagu jira rag afartano sano in kabadan ka shaqaynanay iyo iyo qaar Shantii sano e u danabeeyay ka hawlgalay,
Waxaana Iswaydiin leh hadii shirkaduhu la wareegaan Ma Shaqayndoonaan Shaqaalahan Dawaldui waayo Afrikaan baynu nahoo Shirkad kastaaba shaqaalaheedii ayaay wadataa oo saamigeeda Shaqaale way doonaysaa, markaa Xagay u shaqatagayaan shaqaalahan dawladfa e xilgan shaqeeyaa,

Biyo guure news com