Maanta Maxaa Inooga Yaala Inaanay Dib U dhacin Doorashooyinka Soo Socda Si Loo Helo In Doorashadu Wakhtigeeda Dhacda Sideen Ku Aaminaynaa Xukumadan Talada Hasa Ee Sharci La Aantii Sharciyaysanaysa

0

Si Aayna Doorashadu Dib Ugu Dhicin Waa inaan Helnaa Shuruudo Rasmiya (1) Waa in lahelaa Dhamays tir Diwaan Galinta Madaniga ah Kaadhka Muwaadinka oo La Dhamays Tiro Badhtamaha 2016, Taasi Oo Ay Leedahay Masuuliyda Fulinta Xukuumada Maanta Talada Haysaa Taasiyo Ay Ku Hawl Gali Doonaan Golaha Kumishinka Doorashooyinku (2) Waa In Gudida Doorashooyinku Ay soo Gudbiyaan Caqabadaha Ku Imankara Doorashooyinka Farsama Ahaan Iyo Dhaqaala Ahaan Isla Markaana Waa inay Cadeeyaan Xiliga Haboon Ee Ay U Qabsoomi Karto , Si Aan Dib Udhac Danbe Ugu Iman Doorashooyinka , (3) Waa Inay Xukuumadu Cadayso Dhaqaalha Doorashooyin Lagu Galaayo Maadama Oo Laga Shakisanyahay Dawladahii Inaga Caawin Jiray Doorashooyinka Kadib Markii Dawladii Dimuqraadi Nimadii An Qaadanay Ay Ku Fashilantay (International Community) Inaga Caawinayay Dhaqaalaha Doorashooyinkana Ay Dawladii La Jaanqaadi Kari waday Habkii Ay wax ugu Tala Galen Ooy Ku Fashilantay Xukuumadu Hanaankii Dimuqraadinimo (4) waa inay Xisbiyada Macaaridku La socdaan Xaalada Diwaan Galinti Kolba Halka Ay Marayso Shicibkana Ay U Soo Gudbiyaan Warar Sugan Oon Caadifadi Ku Jirin Siidaa Darteed Waxaan Bulashada Soomaliland La Socodsiinaynaa Marxalada Dalkeenu Marayo Haday Maanta Dawladu Inoo Cadayn Waydo Qodabada Kor Ku Xusan Baritoole Gole Guurti Oo Ina Kala Gurayaa Inooma Hadhin Bal An is Yara Fahansiino Waamaxay Diwaan Galintu Waa Ayo Cudbixiyuhu Waa Maxay Kaadhadhku ? Diiwaan-Gelinta Codbixiyuhu Waxa Weeye Nidaam Laga Isticmaalo Dalalka Dimuqraadiga ah Oo Lagu Diiwaan-Geliyo Magaca iyo Aqoonsiga Kale Ee Muwaadinka Ka Hor Intaanu/ Codbixin Maalinta Doorashada. Sida Nidaamkeedu yahay Qofku Meesha uu Iska Diiwaangeliyo Ayuu Maalinta Doorashada Codkiisa ka Dhiibanayaa. Soomaaliland Baahida Loo Qabo In La Sameeyo Diiwaan-Gelinta Codbixiyeyaasha Si Looga Baxo Sharci-Darrada Dadka Qaar Caadaysteen Ee Ah, Inay ku Noq-Noqdaan Codeynta. Diiwaan-gelintu Waxa Kale Oo Ay Sahlaysaa in Doorashadu u Dhacdo Si Habsami Ah Oo Waafaqsan Nidaamka Caalamiga Ah, Markaad is-Diiwaan-Geliso Waxa Lagu Siinayaa Laba Kaadh oo Midna Muujinayo Inaad Tahay Muwaadin ka Kalena Yahay Kaadhka Codbixinta. Maadama Oon Ku Jirno Qarnigii 21 Nin Waloo Muwaadini Waxa Uu Xaq U Leeyahay Inuu Qaato Kaadhadhkaa Oo Codkiisa U Ku Ciil Baxo, Hadala Iyo Dhamaantii (Muwaadin) Waa Inaad Fahntaa Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu Aad Ayay Muhiim U Yihiin Xaqna Waad U Leedahay Inaad Codkaaga Waxana Ku Doorato Waxna Ku Diido

 

Mukhtaar

Mukhtar Mure Warsame Overseas Spokesman Waddani Somaliland National Party,