Ethiopian Airlines Oo Noqotay Shirkadda Ugu Macaashka Badan Diyaaradaha Qaaradda Afrika

0

Waxay ka macaash  badatay marka laysku daro Shirkadaha diyaaradaha Qaaradda

Addis Ababa(Berberaoday.com)-Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines, ayaa noqotay shirkadda ugu macaashka badan shirkadaha diyaaradaha qaaradda Afrika, sida laga ogaaday dakhliga guud ee shirkaddu soo galay muddo sannad ah.

ETHIOPIAN ARLINESMaamulka sare ee Ethiopian Airlines oo todobaadkii hore shaaciyey inay shirkaddu heshay macaash dhan $175 Milyan intii u dhaxaysay xilli-sannadeedkii 2014/2015, ayaa lagu ogaaday inay ka badan tahay marka laysku daro guud ahaan marka laysku daro faa’idada dhaqaale ee xilligaas heleen shirkadaha diyaaradaha qaaradaha Afrika.

 

Maamulaha Guud ee Ethiopian Airlines Tewolde Gebremariam, ayaa shegay in dakhliga iyo faa’idada dhaaftay xaddigii ay ka filayeen muddadaas sannadka ah wax-soo-saarka dakhli ee shirkadda.

“Waxaanu qorshaynay in macaashku noqdo 43 bilyan oo Bir sannadkan, laakiin sannadkii hore waxay ku dhawayd 49.4 Bilyan oo Bir, waxaana halkaas ka soo baxaysa farqiga jira,” Sidaas waxa yidhi Gebremariam oo u warramayey telefishanka CCTV Africa.

Ethiopian Airlines oo lagu tiriyo shirkadaha ugu da’yar qaaradda Afrika xagga horumarka, isla markaana ay dowladda Ethiopia isla leedahay, ayaa sheegtay inay tirada diyaaradeeda gaadhsiinayso tiro ku dhow 140 marka la gaadho sannadka 2025-ka, xilligaas oo la qorsheeyey in xaddiga macaashka shirkaddu noqonayo adduun lacageed oo gaadhaya $10 Bilyan sannadkii. Ethipian Airlines ayaa xilligan leh 76 diyaaradood oo noocyo kala duwan isugu jira, waxaanay shirkaddu dhowaan shaacisay ku soo kordhinayso 44 diyaaradood oo cusub.

Sida aanu ka soo xigannay warbaahinta arrimaha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha caalamka ka faaloota ee Bloomberg, Ethiopian Airlines ayaa noqotay diyaaradda loogu isticmaalka badan yahay qaaradda Afrika, kaddib markii ay tartanka xagga suuqa kaga badisay Shirkadaha diyaaradaha Kenyan Airways iyo South African Airways.

Ururka Caalamiga ah ee Midowga Diyaaradaha Caalamka (LATA) oo is-barbar dhig ku sameeyey arrintan, ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in guud ahaan shirkadaha diyaaradaha ee qaaradda Afrika laga filayo inay sameeyaan dakhli macaash oo gaadhaya $100 Milyan, taas oo lagu sheegay inay tahay heerkii u hooseeyey ee ay waligood gaadhaan.