Cid Kasta Oo Badasha Astaanka Qaranka Waxay Mutaysan Karaan Ciqaab, Cida Ugu Badan Ee Sharciga Jabisaa Waa Xukumada…Xil Rayte

0
Hargeysa(BGN):-Xildhibaa Ibraahin Jaamac Rayte oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa si adag uga hadlay isbadal lagu sameeyey calanka somaliland.Xildhibaan Rayte oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay waajib tahay in xeerka ciqaabta guud lagu qaado cid kasta oo wax ka badal ku samaysay astaanka qaranka, waxaanu tilmaamay inaanu sharcigu ogolayn in wax ka badal lagu sameeyo calanka.

Ugu horayn xildhibaan Rayte oo ka hadlaya sida aanay u banaanayn in wax ka badal lagu sameeyo astaanta qaranka ayaa waxa uu yidhi “Cid kasta oo midab dhaanta ama badasha ama wax ku darta astaanta qaranka waxay ku kacaysaa fal danbiyeed ku xusan xeerka ciqabta guud, waxaanu mutaysan karaa ciqaabta  xeerkaas ku xusan, mana

 


aha siyaasad iyo somaliland jacayl waxa weeye calanka lama midab badali karo cidina waxba kuma dari karto waxbana kama dhimi karto.” Ayuu yidhi xildhibaan Rayte
Sidoo kale waxa uu xildhibaan Rayte sheegay  in cid kasta oo sharciga jabisa la marin doono waxa uu sharcigu dhigayo, waxaanu xukuumada ku eedeyey inay sharci jabinta ugu badan dalka ka samaynayso waxaanu yidhi “Cid kasta oo ku xadgudubta sharciga  madaxweyne,  wasiir ama xildhibaan   waxa ku waajib ah in la mariyo waxa uu sharcigu dhigayo, cida sharciga jabisa ee ugu badana waa xukuumada, dilka ugu badan ee dalka ka dhaca waxa ku kaca ciidamadii loo igmaday inay ilaaliyaan amaankii dalka, ciyaal is shiidayey ayey u tagayaan rasaas ayey ku furayaan qaarbaa la laynayaa oo xabadii ku dhimanay, dhagaxiisa ayaa u dhamaay ee dhagaxiisu haku dhaco dhiig yar ayaa ka imanaya oo dhakhtarka ayaa la gaynayaa intaad caruurta kala qaban lahayd  ayaad rasaas ula imanaysaa oo aad la dhacaysaa.”