Barlaamankii Wuu Fadhiyaa, Guurtidii Wey Fadhidaa, Dawladdii Wey Fadhidaa, Waana Wada Baarixi, Baarixigana

0

Picture9Hargeysa (BGN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Xeerka Saami-qaybisaga iyo Doorashada  Golaha Wakiilada, waxaanu sheegay in xeerkani uu muran badan ka dhaliyey Golihii Wakiilada ee hore, isla markaana ay Saddexdii Xisbi ee UDUB,UCID iyo Kulmiye ay murankaas soo af jareen, waxaanu tilmaamay inay khalad ahayd in Xeerkan Golaha la horgeeyo. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Faysal Cali Waraabe,ayaa sidoo kale tilmaamay inay muhiim tahay in la furo Dastuurka, si loo saxo waxyaabo badan oo ka khaldan nidaamka dawladnimo, gaar ahaan Doorashada Madaxweynaha, waxaanu ku baaqay in haddii Musharaxa  ugu codka badan uu helo boqolkiiba konton wax ka yar in wareeg kale la galo, waxa kale oo uu tilmaamay in Dawladdii, Barlamaankii iyo Guurtidiiba wakhtigoodii dhacay, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay isaga oo u waramaya Somali News Tv, sidan ”In la geeyo khalad ayey ahayd, waa tii aniga iyo Cabdiraxman Cirro maalintii hore ka doodnay BBC-da ee aan ku taliyey in laga soo saaro, 2005-tii ayaa lagu heshiin waayey, oo sidaas ay imika reer Awdal uga baxeen ayey uga baxeen, waxa aanu ku qancinay markii saddexda Xisbi la isku qaybiyey inay ku meel gaadh noqoto, markaas waxa aan u arkaa in maxaa dalka u dan ah aanay meelna ka soconayn, kuwa imika geeyeyna dan gaar ah ayey ka lahaayeen, oo kamay ahayn wax hagaajiye, waxa aan lagu heshiin oo Barlamaankii horeba ku kala bixi waayey inay geeyaan may ahayn, laakiin in la iska fadhiyo maaha in arintan la xaliyo weeye, markaas imika waxa ay u baahan tahay in Guddida Barlamaanka ee la saaray iyo Saddexda Xisbi in Akadamiga iyo Komishanka gogol u furaan weeye sidii 2005 la sameeyay, halkaa laga hadlaa oo lagu heshiiyaa wixii looga guuri lahaa, habkan aynu imika wax ku soo dooranay, markaas habkaas lagu heshiiyey in haddii imika ay suurtagal tahay in lagu dhaqaaqo in lagu dhaqaaqo, haddii kalena in xeerka lagu qoro in habkaas loogu guuri doono doorkan wixii ka dambeeya”. Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa mar uu ka hadlay sida uu arko Dastuurka iyo muddo xileedka Xukuumadda, Guurtida iyo Wakiilada  ayaa yidhi “Dastuurkeena dib weynu  u baadhi doonaa, dib baa loo eegi doonaa, waxa la eegi doonaa Guurtida ma u baahan ahay, oo iyadu su’aal taagan ah,waxa la eegi doonaa habka aynu imika ku shaqayno ee Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ma shaqaayey, ma kabnaa ma bedelnaa, waxa la odhan doonaa Madaxweynuhu 50% waxa ka yar haddii uu helo in wareeg dambe la celiyo, oo labada Xisbi ee isku soo hadha ay haddana tartamaan, oo Xisbiga Saddexaad ku gacan siiyo, wax badan ayaa inoo hadhsan, markaas waxa aynu furi doonaa Dastuurka, wixii inaga qabyo ah weynu hagaajin doonaa.

Maanta waxa weeye Barlaamankii uu fadhiyaa, Guurtidii wey fadhidaa, Dawladdii wey fadhidaa, waana wada baarixi, baarixigana aynu ka takhalusno, waa inaynu waxeena si caalamiya uga fikirnaa, Dastuurkeena ayeynu eegi doonaa”.

Dhanka kale waxa uu Faysal Cali Waraabe ka waxa uu wax lala yaabo oo aan dhici karin ku tilmaamay in dalku yeelan karo laba Madaxweyne ku xigeen.