Wasiirka Duulista iyo Hawada Oo Socod ku Maray Gudaha Magalada Burco + Reer Burco Dareen ah Dhab ah ku Qabilay Wasiir Maxamuud Xaashi + Sawirro –

0
Burco BGN) Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Labadii Maalmood u Danbeyayba ku Sugnaa Gudaha Magalada Burco ayaa sidii Cadada u ahayd Waxa Uu Maalintii Labaad si Caadiya iskaga Dhex Soconayay Gudaha Magalada isla markaasna waxa uu goobaha ay bulshadu ku kulanto Uu si Caadiya ugula Shekaysanayay Dadwayne Tiro Badan,

 

 

 

Dadwaynaha Reer Burco Ee Uu Wasiirku ilaa Shalay Uu Wakhtigiisa Kula Qadanayay Goobaha ay inta Badan Bulshada Qaybaheeda Kale Duwan ku Kulmaan ayaa Dadwaynaha Reer Togdheer Waxay ku Soo Dhaweyeen Dareen isku Mid ah,

 

style=” 912px; 684px;” />

 

Qaar ka Tirsan Dadwaynaha Reer Burco Ee iyagu ku Sugnaa Goobaha Maaqixiyaha Ee Wasiirku Kala Shahaynayay Dadwaynaha ayaa ku Tirabayay Sida Tan

“ Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi Waa Wasiirkii Kaliya Ee intuu Burco Yimaado si Dhab ah usoo Dhex Gala Bulshada Wakhtina la Qaato,Waad Aragtaan inuu Maqaxiyihii Burco Ee ay Jogeen Bulshada Noocyadeeda kale Duwan Uu Wasiir Maxamuud Xaashi la Shaahaynayo Waa Arrin Aan Hore uga Dhicin Burco ma Jirto Wasiir Maxamuud Xaashi ka Horeyay Oo intuu Burco Yimado Soo Faadhista Maqaxiyaha ay Bulshadu ku Kulanto,Tani Waxay Cadaynaysaa inuu Wasiirkani Yahay Wasiir isku Kalsoon,Hadii Aanu Nahay Reer Burco Waa Balan in Aanu is Garab Taagno Wasiir Maxamuud Xaashi Hadii Uu Macaa Madaxwayne isu soo Taago Waanu Dooranaynaa,Hore Waxa u Dhici Jirtay in Marka ay Wasiradu Burco yimadaan Aanay Soo Dhaafin Hotel City Plasa”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa Maanta abaaro 10:00 Subaxnimo Lagu Dhex Arkay isagoo ku Dhex Shaahaynaya Cafeteriga Cadaani Burco Waxaana Halkaasi ku Sugnaa Dadwayne Tiro Badan isagu Jiray Cuqaal,Waxgarad,Aqoon-yahan iyo Waliba Bulshada Qaybaheeda Kale Duwan,

Talabadani Uu Qaaday Wasiirka Duulista iyo Hawadu Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ah Mid Uu Wasiirku Tageero Badan Kaga Kasbaday Bulshada Reer Burco,Waxaanay Tani Tusaale Fiican u Noqon Doontaa inay Dhabahani ay Racaan Wasiirada Kale Burco ka Soo Jeeda Oo Aan iyagu inta Badan soo Dhaafin Hudhelada Waawayn Ee ku Yaala Burco,isla markasna Aanay Haba-Yaratee ka War Haynin Magalada Burco iyo Marxalada ay ku Sugan Tahay Toona.