Midowga Yurub, Oo Wacad Ku Maray Dib-u-celinta Qaxoontiga Dhaqaale Doonka Ah, Iyo La Dagaalanka Magafayaasha Wax Tahriibiya

0

Wakaaladaha Wararka-(BGN)- Madaxa arrimaha socdaalka ee dalalka Yurub, Mr Dimitris Avramopoulos, ayaa wacad ku maray in dib-celin doono dadka muhaajiriinta ah ee soo-galootiga ah ee Yurub, u yimid helista dano dhaqaale raadis ah oo kaliya, waxaanu ballan-qaaday in ay samayn doonaan dagaal ka dhan ah dadka maga-fayaasha ah ee ka ganacsada tahriibka, waxaanu si khaas ah farta ugu fiiqay in Kumannaanka qof ee muhaajiriinta ah ee ka soo cararay meelaha ay colaadaha iyo dagaaladu ka jiraan ee soo galay Yurub, in ay xaq u leeyihiin in ay sii joogaan Yurub.Cadaadiska iyo dhibaatada ka dhalatay dadka tirada badan ee magangelyada u soo raadsanaya waddamada reer Yuurb ayaa


waxa ka dhalatay walaac ay qabaan waddamo badan.

Madaxa arrimaha socdaalka ee dalalka Yurub, Dimitris Avramopoulos, waxa uu hoosta ka xariiqay in midowga yurub ay saaran tahay mas’uuliyadda ah in uu caawiyo dadka muhaajiriinta ah, isaga oo tilmaamay uu farqi u dhaxeeyo dadka magangelya doonka ah ee ka soo cararay waddamada ay ka mid yihiin Syria, Libya iyo Eretria iyo kuwa yurub u yimid arrimo dhaqaale oo kaliya, waxaanu intaa ku daray in muhaajiriintu doonaya nolal ka wanaagsan ta ay waddamadooda ku haysateen oo kaliya ay tahay in dib loogu celiyo waddamadoodii ay ka soo haajireen.

Mr Dimitris Avramopoulos, waxa uu ballan qaaday dagaal ka dhan ah shabakada kooxaha abaabulan ee dadka tahriibiya, waxaanu qiray suurta-galnimada in dhibaatada ka dhalatay qulqulka muhaajiriintu muddo sannado ah ay saameyn ku sii yeelan karto Yurub.