Ardayda Reer Somaliland Ee Wax ka Barata Jaamacadaha Dalka Turkiga Oo Shahaado Sharaf Ku Maamustay Wasiirka Duulista Iyo Hawada+Daawo Sawirada

0

Hargeysa(BGN):- Ururka Ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalka Turkiga, ayaa maanta shahaado sharaf ay ku maamuusayaan guddoonsiiyay  Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.

Hogaanka Ururkan ayaa Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Duulista  ku amaanay dadaalka uu muujiyey iyo isbalada uu ka hir galiyey Madaaradda dalka, iyagoo sidoo kalena sheegay in ka urur ahaan uu marar kala duwan taageero siiyey.

 Munaasibad kooban oo loo qabtay Gudoonka Shahaadaasi ayaa waxa ka qayb Galay Hogaanka Ururka Arayda Turkiga, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Duulista Somaliland.

Waxana ugu horayn halkaasi ka hadlay  Guddoomiyaha Ardayda Tukriga ee Somaliland Cabdicasiis Sh Maxamuud Cabdilaahi


oo yidhi  “maanta waxaa mahad iska leh Wasiirkayaga Max’amuud Xaashi Cabdi oo ah Wasiirka Duulista iyo Hawadda, runtiina kow ka ahaa Wasiiradda aanu kula kulanay Tugriga, dhiiri galin iyo mahadnaq badana noo hayey hadaanu nahay Ardayda Tugriga ee Reer Somaliland, runtii ka Urur Arday ahaan waxaanu halkaa ku dhaqanahay 210 (Laba Boqol iyo Toban) Arday.
Gudoomiye Cabdicasiis ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Sanadkii 2014 ayaanu Wasiir Maxam’ud Xaashi kula kulanay Dalka Tukriga, isaga oo markaa balan qaadyo wacan noo sameeyay, runtii hawlo badan oo hawlaha Qaranku ay ka mid yihiin sida 18May, iyo dhiiri galita barmaamijyada ay Ardaydu qabsanayaan dhaqaale ahaan iyo fikir ahaanba naga taageero, noo balan qaaday kana soo baxay”

Mr. Cabdicasiis ayaa sidoo kalena sheegay inay arday ahaan aad ugu mahad celinayaa Wasiir Maxamuud Xaashi waxanau yidhi “Aniga oo Ardayda afkoodii ku hadlaaya ka Gudoomiye ahaan oo ay halkan ila joogto Guddoomiye ku xigeenkaygii iyo xubno kale, iyo dhamaan Ardayda ku nool wadanka Tukriga waxaanu u mahad naqaynaa Wasiirka Duulista. oo ah Wasiir Hawal kar ah, gudaha Wadanka hadaanu eegno sida Madaarka oo kale iyo Wasaaradda Duulista, haruu mar balaadhan ayaa lagu sameeyay runtii oo aan laga indho qarsan karayn.” 

Gabagabadii munaasibadaasi ayaa waxa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi isaga oo aad u amaanay dadaalkay ardayda Reer Somalialnd ee Turkiga waxa ka barata waxanu yidhi “ Sharaf weyn ayey ii tahay inaan saaka idinku qaabilo, xafiiska wasaaradda duulista, runtii waxaan qirayaa in ardayda reer Somaliland ee Turkiga wax ka bartaa inay yihiin, arday karti badan oo isku duuban, mar kasta oo ay madaxda Somaliland halkaas tagaan micno weyn ayey muujiyaan, garabka madaxda Somaliland ayey istaagaan.”  

Wasiirka Duulista ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ marka aanu shirar u tagno qadiyadda Somaliland ayey wayneeyaan, Ilaa Hotelka nalagu dajiyo  ayey calanka Somaliland ka taagan oo ilaaliyaan oo ku dagaalamaan,  waana waxaynu u baahan nahay in maanta dhalinyaradeednu ay ku dayato, oo qof wal oo qurba joog ahi uu safiir noqdo magaceena iyo maamuuskeena uu fidiyo, xanteena iyo xogteena uu wanaajiyo, wasiir iyo xukuuumad kaliya mid arrimahaas ma xaqiijin karaan hadii aanay bulshada qurbajooga ahi nala shaqeyn oo dawliska iyo waadaanta nala jiidin waxba guul ma gaadhi karno.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena dhalinyaradaasi ugu mahad celiyey Shahaado sharafeeda ay ku maamuuseen waxaanu yidhi “ Aad baa ugu mahad san tihiin booqashada aad noogu timaadeen, dalka ayeynu u wada shaqyanaynaa waana waajib ina saaran, in naloogu mahad celiyo waxaanu umadda u hayno ma mudnin, ILAHAYNA waa nagala xisaabtamayaa Umadduna way nagala xisaabmaysaa, inaad ka xusteena waad ku mahad san tihiin.” Ayuu yidhi Md.Maxamuud Xaashi Cabdi.