Beesha Caalamka Oo Ku Baaqday In Si Dhakhso Ah Xal Looga Gaadho Mooshinka Laga Keenay Madaxweynaha Somaliya

0

Hargeysa(BGN):-War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen Qaramada Midoobay, Hawl-galka Ururka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM), Urur-goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Maraykanka iyo Britain ayaa waxay ku muujiyeen inay ka Walaacsan yihiin Mooshinka lagu doonayo in xilka lagaga qaadayo madaxweynaha somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Beesha caalamku waxay sheegeen inay arintaasi carqalad ku keenayso horu marka ay somaliya doonayso inay ku gaadho nabad waxaanu warsaxaafadeedkaasi oo faah faahsan u dhignaa sidan “Inkastoo aan si buuxda u Qaddarinayna Xaqa uu Baarlamanka Federaalka Soomaaliya uu u leeyahay inuu la Xisaabtamo hay’adaha dalka, sidaana ku guto waajibaadkiisa Dastuuri, laakiinse Gudbinta mooshin noocan oo kale ah wuxuu u baahan yahay daah-furnaan aad u heer sarreysa iyo hanaanka loo maro oo hufnaan, waxayna taasi qaadan doontaa
waqti aad qaali u ah, Gaar ahaan marka ay meesha ka maqan yihiin hay’ado Sharci oo lagama maar-maan ah,” ayaa Beesha Caalamka ku sheegeen War-saxaafadeedkooda.

Sidoo kale, Waxaa Xusuusannaa in Soomaaliya iyo dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay uu waajib ka saaranyahay inay raacaan Qaraarka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2232, oo Qeexaya Rajada Beesha Caalamka ee Amniga iyo horumarka siyaasadeed ee loo baahan yahay in laga gaaro Soomaaliya iyo baahida loo qabo hanaan doorasho ee loo dejiyo sannadka 2016-ka; iyadoo aan xilka loo kordhinin laamaha sharci dejinta iyo fulinta.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in inkastoo aan aqoonsan-nahay horumarka sannadihii lasoo dhaafay laga gaaray Somalia, gaar ahaan dhanka federaalka iyo annagoo aqoonsan kaalinta geesinimada leh ee uu ka geystay baarlamaanka federaalka Soomaaliy, iyadoo inta badana khasaare badana ay dadka kasoo gaarto. Waxaana weli ka Wel-welsan-nahay horumarka ka socda Ajendaha Sharci dejinta iyo baahida loo qabo in la Ansaxiyo shuruuc muhim ah, oo ay ka mid yihiin shuruucda doorashada, Muwaadinimada, Xisbiyada siyaasadda iyo Maxkamadda Dastuurka ah.

Hay’adaha sameysmayana waa kuwo weli liita. Waxay u baahan yihiin mudo Xasiloon iyo hawsha oo sii socota si loogu ogolaado Somalia inay ka fa’iideysato barnaamijka heshiiska Somalia ee Hiigsiga cusub iyo inay isu diyaariso xilka dowladda oo la wareejiyo Sannadka 2016-ka.

“Sanadkii 2014-kii, Saaxiibada Caalamku waxay si joogta ah ugu Ololeeyeen xasilloonida Siyaasadda iyo sii socodka Howlaha kala duwan, ixtiraamka kaalimaha ay hay’aduhu kala leeyihiin sida ku qeexan Dastuurka iyo tallaabooyin xoog leh ee wax looga qabto Musuq-maasuqa laguna horumariyo Maareynta Maaliyadda Guud oo ay ka mid yihiin; dhinacyada Amniga iyo Difaaca. Sidoo kale Sannadkan 2015-ka mawqifkeenna waa sidiisii oo waan ku Adkeysanaynaa, ismana bedelin,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Beesha Calaamku Waxay Sheegeen inay ka Go’an tahay inay Shacabka Soomaaliyeed ka kaalmeeyaa isu-diyaarinta geeddi socod doorasho Sannadka 2016-ka ka dhaca dalka oo aan Hay’ad kaligeed aysan si gaar ah u khuseyso kuna Amar-ku-taagleyn karin. Hannaanka doorasho ee dhab ahaan loo dooran doono waxaa isla qaadan doona dadka Soomaaliyeed ka dib maka la maro hanaan wadatashi, ee ay ka wada Qayb-qaataan Hay’adaha fulinta, sharci dejinta iyo maamul-goboleedyada iyo bulshada rayidka. Waxaan ka warhaynaa in laanta fulinta (Xukuumadda) iyo Xubnaha Baarlamaanka labaduba ay Ogolaadeen Qorshe hawleedka lasoo jeediyay ee hanaanka wadatashiga Qaran.

“Waxaan Rumeysan-nahay in Shacabka Soomaaliyeed la siiyo fursad ay wakiilladooda ku soo doortaan, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha iyo xildhibaanada baarlamaanka, kulana xisaabtamaan sannadka 2016-ka, iyagoo lagama maar-maan ay tahay in loo maro hannaan doorasho oo daahfuran oo loo dhan yahay,” ayaa yiraahdeen xubnaha Beesha Caalamka.

Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka ayaa loogu baaqay Hay’adaha Federaalka Soomaaliya inay ilaaliyaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda inta lagu jiro xilligan adag, diiradana ay saaraan Arrimada Mudnaanta leh ee ay shacabka Soomaaliyeed dajisteen; kuwaasoo ay ka mid yihiin;

(a) Diyaarinta hanaanka doorasho ee dalka 2016-ka; (b) Sameynta Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo hanaanka dib u eegidda dastuurka, oo muhim u ah Xasilinta, maamulka iyo Dowlad-dhisida; (c) Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo Maraya meel Xasaasi ah, loogana mahad-celinayo Naf-hurnimada Ciidamada Ammaanka Qaranka Somalia, kuwa Midowga Afrika iyo Saxiibbada kale ee Caalamka.