Khataraha Dabinada Qarsoon Ee Is-bahaysiga Cidhib-tirka Saaxafaddu Qorsheynayaan Beri

0

Hargeysa shir ay maalmahan waday Wasaaradda warfaafinta somaliland, Dalladda Soomaali-weyn ee Sonsof iyo garabka Solja-da Nasaxan, oo ka socday magaalada Hargeysa, kaas oo ajendihiisu ahaa sidii loo-dabar jari lahaa xoriyadda Saxaafada Somaliland ku caano maashay Ra’ dhiibashada Xoriyatul Qawlka. Shirkaas oo ay maal-gelintiisa lahayd Madaxtooyadda somaliland ayaa lagag doodayey sidii loo sameyn lahaa Xeer lagu dabro Madax-banaanida Saxaafadda, kaas oo ay dooneyso Xukuumadu hindisaheeda ka curiso weriyaasha Hay’daha Dawlada ka hawl galaa.

Shirkan oo aanay ka soo qayb gelin dhamaan saxaafadda xorta ah ee Somaliland iyo intaa qalinkoodu ilaaliyo jiritaanka Qaranimada, waxa daaha dabadiisa ka hagayey Wasiirka wasaaradda warfaafinta Md. Cukuse kaasoo hore u sheegay in Saxaafadda lagula xisaabtamo xeerkii hore ee jiray oo ay saxeexeen Labada gole Baarlamaan iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Riyaale Kaahin, Md. C/lahu Cukuse ayaa dhowaan baaq u diray Hay’adaha Garsoorka kuwaasoo uu la socodsiiyey inay cid kasta oo saxaafaddu danbi ka gashay inay xeerkaas la tiigsato.

 

Hae-yeeshe, waxa dhacdadan ama Mashruucan soo cusbooneysiiyey qorshe loogu tala galay Saxaafadda soomaaliya in lagu Takooro, Mashruucaas oo ay soo qaatay Dalladda Soomaali-weynta ah ee SONSOF waxanay kala kaashatay garabkii Nasakhnaa ee Solja iyo Wasaaradda warfaafinta oo kamaan-booste ka ah.

Si kastaba ha ahaate shirku sheegaas ayaa Maalinta Beri lagu wadaa in lagu soo xulo Guddii Magacyadooda laga soo xulay Madaxtooyadda kana shaqeyn doonaa Xeerka xaaranta ah ee ay wadaan is-bahaysiga cidhib-tirka Saxaafadda. Ilo-wareed-yo ka mid ah ka qayb-galayaasha ayaa shabakadda warar ee Xogreebnews.com u sheegay in xubnaha la soo xulay aanay haba-yaraatee lahayn wax aqoon Saxaafadeed ah iyo wax u dhow toona.

Warbaahinta Madaxa-banaan ayaa iyadu kanafka ku dhufatay shirqoolada ay maleegayaan Calooshooda u shaqeystayaasha ku maxaafsada Magaca Saxaaafadda balse aan ahayn saxaafad Xor ah.

Cabdicasiis Bashiir Nuur 

Hargeysa/Somaliland