Daawo Muuqaalka”Xildhibaan Bashiir Tukaale Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Saaxil Oo Ka Digay In Shirkado Ganacsi Lagu Wareejiyo Gacan Ku Haynta Haamaha Shiidaalka Berbera

0

Hargeysa(Biyo Guure News.com)-Xildhibaan Bashiir Tukaale oo katirsan Golaha wakiilada Somaliland iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil oo siwada jira shirjaraa,id Hargeysa ugu qabtay ayaa eedeyn musuqmaasuq usoo jeediyay Maareyaha Haamaha Shiidaalka Berbera Saleebaan Siciid Cali, iyagoona labadan masuul ka dhawaajiyay in maamulka iyo munaafacaadka haamaha shiidaalka xukumada Madaxweyne Siilanyo damacsantahay inay shirkado iyo shaqsiyaad gaara ku wareejiso.arinkaas wareejinta haamaha shiidaalka Berbera oo wiigagii udanbeeyay laga maqaalayay bulshada reer Berbera iyo guud ahaan gobolada dalka ayay labadan masuul ka digeen iyagoona ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay ilaashadaan hantida qaranka ee umada ka dhaxaysa