War Deg Deg Ah:-Booliska Oo Dhaawacyo U Gaystay Dhalinyaro Rabshado Ku Dhex Mareen Xaafada Daami Iyo Siyaasi Barkhad Jaamac Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Xil Ka Qaadiskta Wasiirka Gudaha Iyo Taliyaha Booliska

0

Hargeysa(BGN):-Mudo laba maal mood ah xaafada Daami ee magaalada Hargeysa ka socday  rabshado baahsan oo dhex maraya dhalinyarada xaafadaasi.

Rabshadahan oo maanta mar kale ka bilaabmay xaafadaasi ayaa waxa ay dhalinyaradaasi is gaadhsiiyeen dhaawacyo waxaana mudo ka dib maanta soo kala dhex galay ciidanka nabad galyada ee Police-ka.

Barkhad Jaamac Xirsi oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani  oo la soo xidhiidhay shabakada Hadhwanaagnews ayaa ka hadlay rabshadan dhex maray dhalinyarada wada daga xaafadaasi ayaa dhaliil kulul u soo jeediyey laamaha amniga isaga oo tilmaamay inay ku fashilmeen inay dhalinyaradaasi kala furdaamiyaan, waxaanu hadalkiisa kubilaabay “Laba cisho waxa ka socday xaafada Daami mashaqo ay dhalinyaro isku dilaysay


dhalinyaradaas oo ka soo kala jeeda  beelaha wada daga  xaaafadas, dadkaasi waa walaalo daris ah is jecel wanaag badani ka dhaxeeyo isku deegaana ah, dhibtuna waxay ka taagan tahay hay’adihii amniga ee bilayska iyo wasaarada arimaha gudaha oo aan masuuliyad iska saarayn dhibaatadan dhalinyarada ka soo noq noqonaysa, xalay iyo habeen hore way socotay mashaqadani,  bilayskuna waxba way way ka qaban kari wayayeen.”
Barkhad Jaamac Xirsi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Saaka ayey  xaafadaasi soo galeen ciidanka  Police-ku  waxaanay xabad la dhaceen dhalinyaradii waxaanan haatan dul taaganahay mid ka mid ah dhalinyarada dhaawacantay  kaas oo gacanta midig kaga dhacday xabadu walina ay ku jirto, qaybta gargaarka deg deg ah ee cusbitaalka ayuu yaala xabad labaadna madaxa ayey ka saniftay.”

Sidoo kale waxa uu Barkhad Jaamac Xirsi ka hadlay khasaaraha soo gala gaadhay dhalinyaradan waxaanu mar kale yidhi “Burbur badan ayaa ka dhacay labada dhinacba khasaare maal ayaana soo gaadhay, markaa dhalinyaradu way isku dhacdaa waana lays qabanayaa  laakiin cida masuuliyad darada muujisay waa bilayska iyo wasaarada arimaha gudaha, bil ka horna sidan oo kale ayaa dhacday laba  ayaa xabad lala dhacay oo dhaawacoodu xaafadii dhex yaalo, waxaanan ugu baaqaynaa dhalinyarada inay walaaltinimadooda ilaashaadan, odoyaashana waxaan leeyahay masuuliyad iska saaraan sidii aad  dhalinyaradan nabad uga dhex dhalin lahaydeen, madaxweynuhuna waxaan ugu baaqayaa inuu xilka ka qaado wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha ciidanka police-ka oo aan masuuliyad iska saarayn rabshadaha xaafadan dhalinyarada ku dhex mara.”

Waxay ahayd bil ka hor markii ay rabshadahan oo kale ka dhaceen xaafadaasi isla markaana ciidanka police-ku ay xidheen siyaasiga barkhad jaamaca Xirsi oo wakhtigii ay rabshaduhu dhacayeen ka soo baxay masaajidka Rusheeye ee badhtamaha magaalada Hargeysa.