Dadwaynaha Reer Burco Dhibaato Ka Haysato Qaadashada kaadhka Muwaadinimmada.

0

Burco(Biyo Guure News.com)-Dadwaynaha reer Burco ee Doonayay inay kaadhka muwaadiniinta ee hore ay isugu diiwaangaliyeen Qaataan ayaa waxay dhibaato ka haysataa sidii ay u qaadan lahayeen kaadhadhkaasi oo ay in mudo ah naawilayeen sidii ay u heli lahaayeen,Dadwaynaha reer Burco ee kaadhka muwadinimada hore isugu diiiwaangaliyay ayaa gaadhaya ilaa boqol kun oo Qof waxaanay iska diiwaangaliyeen ilaa dhawr iyo Sodon Goobood,halka iminka kaadhadhka laga bixinayo laba Gobood oo raga ah iyo hal Gobood oo Dumarka ah,taasina waxay keentay in dhibaato kala kulanto Dadwaynaha reer Burco waliba Dumarka sidii ay u qaadan lahaayeen kaadkoodii muwaadinimada,waxaanay tani dhibaato wayn kusii tahay haweenka oo aad ugu nugul inay bacadka in badan taagnaadaan maadaama ay ku jiraan qaar Da,ah,Caruur xanbaarsan iyo waliba kuwa kale oo xaamilo ah waxaanay goobtan kali ah ee ay dumarku ka qaadanayaan gaadhay in kayuuga ay isugu yimaadan kumanaan haween ah kuwaasi  oo ay qaar kayuuga kusoo laba noqonayeen Dhawr casho,Hadaba Saaka oo aanu Goobahaas tagnay ayaa waxaa ku sugnaa kumanaan qof oo doonayay in ay kaadhka qaataan kuwaasi oo ay badiba dumarku noo sheegeen inay maalmo ku sugnaayeen”haweenaya ilma yar sidata oo lagu magacaabo Xaawa Jaamac Ismaaciil ayaa waxay tidhi” dhawr casho ayaan ku sugnaa oo aan soo laba noqonayay walina waanigaa jooga”ilaa laba casho ayaan joogay walina wanigaa kayuuga ku jira sidaas waxa tidhi gabadh kale oo iyana xaamilo ah oo Magaceeda ku sheegtay Caasha.
Dhanka kale Badhsaab ku Xigeenka Gobolka Togdheer ahna ku simaha Gudoomiyaha Maxamed Diiriye Xayd  oo aanu wax ka waydiinay dhibaatada ka haysata Dadka qaadashada kaadhadhka ayaa yidhi”Dumarka hal meelood ayay ka qaadanayaan laakiin waanu kordhinaynaa oo laba meelood ayaanu ka dhigaynaa.
 
Lama oga sababta ay wasaarada arimaha gudaha iyo Maamulka Gobolku  ugu sahli waayeen inay muwaadiniinta reer Burco kaadhkooda si dhib yar ku helaan.
Biyo Guure News.com