WAR DEGDEG AH- Wararkii U Danbeeyay Ciidamada Talyaaniga, Oo Badda Meditaranian-ka Ka Soo Badbaadiyay 52 Tahriibe Iyo 50 Kale Oo La La’ Yahay –

0

Ciidamada Badda ee dalka Talyaaniga ayaa hawlgal samata-bixin ah oo ay sameeyay badda ka soo badbaadiyay badbaadinayo 52 qof oo tahriibayaal ah oo ka mid ahaa tahriibayaal saarnaa doon ku qaraqantay badda Meditarraniyanka, iyada oo weli lagu gudo jiro baadigoobka 50 qof oo kale oo doontan saarnaa.

Dadka tahriibayaasha ah ee la soo badbaadiyay ayaa sheegay in doontan qaraqantay ay saarnaayeen Boqol iyo dhowr qof oo muhaajiriin ah, Sidoo kale ciidamada samata-bixntu, waxa ay badda ka soo badbaadiyeen Laba qof oo kale oo saarnaa doon badda dul sbaynaysay.

Ciidamada badda ee dalka Talyaaniga ayaa ka qeyb galay hawlgalo lagu badbaadinayay Salaasadii dhowayd


1,700 oo qof oo tahriibayaal ah oo saarnaa toddobo doonyood oo kala duwan.

Dhinaca kale, waxa lagu soo waramayaa in ay jasiirada lagu magacaabo Kos, ee dalka Giriiga ay soo gaadheen muhaajiriin aad u tiro badan oo tahriibayaal ah, taas oo sababtay in Salaasadii dhowayd uu jasiiradaa ka dhacay kacdoon ay tahriibayaashu sameeyeen kaddib markii la diiday codsi ay ku dalbadeen in la diiwaangeliyo.

Talaadadii rabshado ayaa dhacay, mar uu boliiska xoog isticmaalay si uu u dajiyo dad tahriibayaal ah oo caraysan oo lagala daahay in laga diiwaan galiyo jasiirada Kos si ay uga sii gudbaan.

Jasiirada Kos, ee dalka Giriiga ayaa caan ku ah dalxiisayaasha, waxanay hada la ciirciiraysaa in ka badan Todoba kun oo qof oo tahriibayaal ah oo jasiiradaa soo galay tan iyo bishii July, ee sannadkan aynu ku jirno, waxaanu Mayorka Jasiiradaasi warfidiyeenada u sheegay in xaaladu ay adah tahay oo ay faraha ka baxday qarkana ay u saaran tahay in uu dhiig ku daato..

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa daboolka ka qaaday in ugu yaraan 124,000 oo qof oo qaxooti tahriibayaal ahi ay soo gaadheen sannadkan dalka Giriiga. Dhinaca kale, Wasaarada Daakhilaga ee dalka Talyaaniga, ayaa shaacisay in dad tahriibayaal ah oo tiradooda ka badan tahay Boqol oo kun oo qof ay ay sannadkan gudihiisa isku dayeen in ay soo galaan dalka Talyaaniga